Press "Enter" to skip to content

Taliyaha CXD oo  dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dalacsiiyay ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Taliyaha oo cutubyo ka tirsan ciidanka kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ku bogaadiyay guusha ay ka gaareen howlgalkaas, isaga oo xusay in cadowgu dhibaato ku hayay shacabka ku safri jiray waddadaas. Wuxuu sheegay in guushu ay tahay mid ay ku farxeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo amniga deegaannada ay ciidamadu la wareegeen.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ciidamada ku abaalmariyay min hal darajo oo dalacsiin ah, taasoo ay ku muteysteen Jabkii ay gaarsiiyeen khawaarijta. Wuxuu intaas ku daray in saraakiishii iyo saraakiil-xigeennadii hoggaaminayay howlgalkaas iyaguna ay heli doonaan dalacsiin la mid ah.

“Waxaan si qalbi ah idiinka mahadcelinayaa. Inta aan awoodo, hal darajo ayaan idin dalacsiiyay, sidoo kale saraakiisha idin hoggaamineysay iyagana ballan la mid ah ayay leeyihiin,” ayuu yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

“Waddadaas dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, oo ay isbaaro u tiillay Khawaarijtu tan iyo 2009, inaad ka xoreyseen, aadna sii daba-joogtaan firxadkooda waad ku mahadsan tihiin guushaas weyn ee aad u soo hooyseen Qarankiinna.” ayuu yiri  Taliyaha Ciidanka XDS Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in dib loo furay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, kaddib dagaallo culus oo Ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay,halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada Oo mudda dhibaata badan ku heysay shacabku ku safra wadadaa.

Ciidamada xoogga dalka ayaa dardargaliyay howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ee lagu xaqiijinayo amniga iyo dib u furista waddooyinka muhiimka ah ee dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r