Press "Enter" to skip to content

Taliyaha ciidanka dhulka Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Rwanda, Major General Vincent Nyakarundi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda ayaa ka qeybgeli doona Kalfadhiga 35-aad ee Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), kaas oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinayso, laguna gorfeeyn doono xoojinta iskaashiga amni iyo doorka wadajirka ah ee nabad-ilaalinta gobolka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r