Press "Enter" to skip to content

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Taliyaha ayaa halkaas u tagay dhiirrigelinta geesiyaasha Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka.

Intii uu ku sugnaa deegaannada la xoreeyay, Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulammo la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka, isagoo ka xog-waraystay xaaladaha guud ee amniga, sidoo kalena warbixino ka dhageystay.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa bogaadiyay geesinimada, adkaysiga iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada isgarabsanaya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r