Muqdisho,(SONNA): Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka sareeyo Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Khaalid iyo wafdi Saraakiil uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Ceeldheer, halkaas oo Ciidanka Qaranka ku xasuuqeen Khawaarij.
Taliyaha ayaa degmada u soo gaaray si uu u dhiirageliyo ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanka, kuwaas oo maalmo ka hor cashar lama ilaabaab ah u dhigay maleeshiyaadka Khawaarijta oo weerar naflacaari ah ku soo qaaday degmada Ceeldheer ee Bariga gobolka Galguduud.
Socdaalka, Taliyaha Ciidamada Dhulka ee degmadaas ayaa waxaa ku wehelinaya Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay Shaqada iyo Difaaca Qaranka ay hayaan geesiyaasha xoogga dalka iyo Xooggaga dadka deegaanka, kuwaas oo u babac dhigay weerarada gaadmada ah ee Khawaarijta.
Be First to Comment