Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiil kale oo la afuray odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gandarshe

Muqdisho-SONNA-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose kula afuray saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, maamulka deegaanka, iyo odayaasha dhaqanka.

Kulankan afurka ah wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada, maamulka, iyo bulshada deegaanka, si loo adkeeyo amniga iyo isfahamka guud ee gobolka.

Taliyaha ayaa bogaadiyay doorka odayaasha dhaqanka iyo maamulka deegaanka, isagoo tilmaamay in wada-shaqeynta u dhaxeysa ciidamada iyo shacabka ay tahay furaha guusha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r