Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta lagu jebiyey ee degmada Ceeldheer ay ku timid kaalinta iyo garab istaagga shacabka deegaanka.

Janaraal Sahal oo ku sugan degmada Ceeldheer ayaa tilmaamay in shacabka deegaanka ay door muuqda ka qaateen taageeridda ciidamada Qaranka, taasoo horseeday in jab xooggan loo geysto Khawaarijta. Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga shacabka iyo ciidamada uu yahay furaha guusha dagaalka ka dhanka ah kooxada khawaarijta.

“Guushii Ciidanka Xoogga Dalku ay ka gaareen Khawaarijta lagu jebiyay Degmada Ceeldheer waxa ay ku timid dadka deegaanka.”Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Sahal Cabdullahi Cumar

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa xusay in howlgalka Ceeldheer uu caddeyn u yahay sida wadajirka shacabka iyo ciidanku ay u burburin karaan khatar kasta oo amniga iyo xasiloonida dalka wax u dhimaysa.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r