Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shir gudoomiyey kulanka Hogaanada Booliiska

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sareeeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Hogaanada , Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan oo Todobaadkan ay ka qeyb-galeen Taliyaasha Saldhigyada Gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay kordhinta feejignaanta Ciidanka ee ka hortagga falalka lidka ku ah Amniga, Daadejinta farriimaha iyo awaamiirta Taliska guud, la dagaalanka maandooriyaha khatarta ku haya Bulshada iyo soo celinta bilicda xarumaha booliiska sida hagaajinta dhinaca Nadaafadda iyo derdergelinta wax ka badalka lagu sameeyey qaabka Shacabka loogu adeego.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r