Press "Enter" to skip to content

Taliyaha ciidanka Booliiska oo hambalyo u diray ciidanka Booliiska 

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa hambalyo ku aaddan Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleeyda, dableyda iyo qoysaskooda, munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad oo ku beegan maanta.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya “Maanta waa maalin muhiim u ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana u dirayaa hambalyo dhammaan ciidanka.”ayuu yiri Taliyuhu isagoo sidoo kale na faray in la sii laba jiba jibaaro waajibka qaran ee saaran ciidanka Booliiska.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r