Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray dalka Ciraaq

Baghdad-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaamanayo oo safar shaqo ugu baxay Dalka Ciraaq ayaa waxaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Federaalka Dalka Ciraaq Sarreeye Guud Sacad Khalaf badr, Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed , Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Caashuur Mataani iyo masuuliyiin kale .

Safarka Taliyaha ayaa salka ku haya casumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Ciraaq, si kor loogu qaado xiriirka walaalnimo ee labada dal.

Madaxdan ayaa ka wada hadli doona sidii laysaga kaashan dhinacyada Amniga ,Tababarada Ciidamada, is-dhaafsiga Khibradaha iyo la dagaallanka Argagixisada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r