Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Booliiska oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Howlwadaag

Taliyaha ciidanka Booliiska Gen. Asad Cismaan Diyaano  ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha saldhig cusub oo loogu talagalay ciidanka boliiska ee Degmada Howlwadaag.

Taliyaha oo ka hadlay xaflad loo sameeyay dhagax-dhigga saldhiggaasi ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay bulshada u leeyihiin xarumaha boliiska iyo dadaalka loogu jiro sidii dayactir iyo dib u dhis loogu sameyn lahaa goobaha ay ku howlgalaan ciidamada ee gudaha dalka.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Taliyaha Saldhigga Howlwadaag Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Xasan Cali ,isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay dib u dhiska cusub ee lagu sameynaayo saldhigga degmada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r