Press "Enter" to skip to content

Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee cimillada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’adda SODMA ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Khawaarijta.

Waxaa la isku afgartay in SODMA ay u diyaargarowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaanka u noqon lahayd isku dubbaridka dhammaan howlaha bini’aadannimo.

Sidoo kale waxay labada mas’uul isla qaateen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adda SoDMA.

Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale ka codsaday Gudoomiyaha SODMA in hay’addu ay ciidanka xoogga dalka ka caawiso sidii ay qayb uga noqon lahayd gaarsiinta gargaarka iyo caawinta dadka ku nool goobaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya hay’adaha dowladda, si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, loona gaarsiiyo gargaar degdeg ah xilliyada ay u baahan yihiin.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r