Press "Enter" to skip to content

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey.

Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana la sheegay in loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo, sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r