Press "Enter" to skip to content

Subaxii la Gaadhaba Deseember 28, 2006)

Gabaygan wuxuu abwaanku u tiriyay Faadumo-Sahra Sheekh Xuseen. Wuxuu yidhi:
 
 
- Saddaxduu Ogaadeen ka dago, sabada ciiddeenna 
- Sarsarrada Isaaq iyo Hartiga, soona bari yaalla 
- Saransoor Siddeed iyo Sagaal, nimanka reer Saylac
 
- Salaadiinta aw Yuusuf iyo, suubbanow Tanade 
- Safafkii Abgaal iyo Hawiye, siman intay joogto 
- Suleekhooyinkeenniyo gabdhaha, quruxda loo saanto 
 
- Soomaali oo idil markaan, shiishka wada saaray 
- Faaduma-Sahrooy dumarka, waad ugu sarraysaaye 
- Sida anigu aan qabo hablaha, waad u sidataaye 
 
- Subaxii lagaadhaba waxaan, saadsho waa adiye 
- Sida ayra geel oo horwayn, soof ku wada aadday 
- Oo meel sifaar iyo nimca leh, sano ka daaqaysa 
- Ama sagal arooryiyo hillaac, dunida saameeyay 
- Sifadoodi leeyeey naftaad, siisay farax wayne 
 
- Jacaylkaagu seeddiyo laftuu, saafiyay xulaye 
- Sadrigayga iyo laabta buu, sulunsulxeeyaaye 
- Saldhiggiisa weyn iyo halkay, saanaddu u taallo 
- Waa sidaha dhiiggiyo wadnaha, surumadiisiiye 
- Sambabada dhaxdooduu bullo iyo, saar ka tumayaaye
 
 - Saqda dhexe habeenkii hurdada, sixirku ii diidye 
- Sahwi igu abuur iyo cuntada, inaan ka soomaaye 
- Sawir been ah oon jirin mar buu, ii sallaxayaaye 
- Marna seer-ma-waydiyo gu' buu, igu sabaalayne
 
- Sanqadhiyo marbuu diidayaa, sawdka aadmiga e 
- Mar hadduu silsiladduu watiyo, seefta kula aado 
- Sahal kuguma dhaafiyo illeen, saatan iga daaye 
 
- Saansaanka muuqdiyo xilligu, waa sidaan rabaye 
- Mar haddaan samaan iyo kalgacal, oogu sacabbaynay 
- Saatirkii na uumiyo Alluhu, wuu na saacidiye 
- Ubaxaa sokeeyaha u baxay, aan biyaha siinno
 
Fure:
 
saddaxda: somaliya, kenya, iyo Itoobiya
saransoor: magac qabiil
siddeed iyo sagaal: magac qabiil
reer saylac: dadka daga saylac
aw-yuusuf: awrtable(qabiil)
siman: gabar magaceed
sifaar: geed geelu daaqo
 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r