Press "Enter" to skip to content

Sooyaan

The largest online collection of Somali poetry

Gabaygan markuu Qaasim tiriyey ayaa waxaa la wariyey in Dhoodaan uu ku yidhi Cali Cilmi Af-Yare ninka u jawaab cid Siwaaqroon kaa xigta oo gabaydaayi ma jirtee? Dhoodaan wuxuu ka xumaaday beydka gabayga ugu horeeya, in kastoo isagoo dhan af-xumo yahay. Cali Cilmi Af-Yare uma jawaabin Qaasim. Haddaba Cabdullaahi Dhoodaan markuu cid Majeerteen ah oo gabaygan jawaab ka celisa waayey ayuu wuxuu tiriyey gabay taariikhi ahaa oo uu gabaygan hoosana kaga jawaabay Qaasimna abaalkii kaga waraabiyey. Soo raadi gabaygaa Dhoodaan. Qaasim wuxuu yidhi:

1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi, ha i suryeeyeene 2. Seetada ha ii gaabiyeen, sabab la’aaneede 3. Seeddiyo boqnaha hay jareen, sab iyo laangaabe 4. Sanqadh yari ha ii dilo Tumaal, siiqya looshadaye 5. Sanka hayga mudo ina-gummeed, loo sarrayn jiraye 6. Sawaab iyo Midgaan Guulwada ihi, ha i sudhnaadeene 7. Hadba hay saloosheen sidii, geedka saarka ahe 8. Ilaahbaa sidaa noo gartee, ha i sadqeeyeene 9. Anagiyo Saleebaanadii, waa na sidataaye 10. Seeftii Abgaal bay agtaal, saawirta ahayde 11. Habar Gidir sinsaarada ku timid, sigay Ugaaskiiye 12. Sixilluu Kacaankani u galay, Sacad raggiisiiye 13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro, Boqor la sooraaye 14. Saamee dhammaantii Isaaq, salaw colaadeede 15. Soomaalidii waxa ka nool, saaka madaxgaabe 16. Wax Siyaasaddii loo egmadey, silic ku nooshiiye 17. Markii talada habar saarleh iyo, sebiyo lo doortay 18. Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad, sibiq dhaqaaqeene 19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay, socodna dhaameelay 20. Waa wada socdaaleen raggii, soocanka ahaaye 21. Saadada cadhootee midgaha, laga sarraysiiyey 22. Waa sixirradii Bucurbacayr, sananka muuqdaaye 23. Inta ay sidaa tahay nin gobi, soomman ka ahaaye 24. Qaansaleydu haw sacbbiyeen, Siigga qalataaye 25. Naagaha surwaalka lihi mashxarad, ha u safnaadeene 26. Single iyo waxaan dhalad ahayn, siidhi haw tumo e 27. Sabaalada ha moodeen in loo, sahanshey meel roone 28. Saadaaladaa lagu gartaa, sebenka caal waaye 29. Waa waxa abaar nagu salliday, soof ma reebta ahe 30. Saddex-guuro waa waxa na baday, sadhiyo daacuune 31. Samadii daruur laguma arag, seermaweydada e 32. So’dii ceelka waa waxa biyuhu, uga sal guureene 33. Adduunyadu sidaa kuma gudhoo, subaxba waa cayne 34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa, siibashaa xigiye 35. Suuldaaro waw halis ninkay, rag isa seegeene 36. Sirqabahana taariikhdu way, sahamindoontaaye 37. Maantana Siciidow waqtigu, saamaxaad malehe 38. Moorada salkeediyo xalaan, sugay malluugtiiye 39. Sufurtaa madow ee dayaxa, saaran baan garanne 40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad, sagalka mooddaaye 41. Siigada dhacaysaa ragbay, sabibi doontaaye 42. Ilaahay sidaan ka arki jirey, way ku socotaaye 43. Duulkii sedkoodii dhammaa, saancadka lahaaye 44. Sanbabada gantaalaha ka mudi, saadanbay garane 45. Waa layna kala soocayaa, subax aan dheerayne 46. Ninki cadho la sooyaamayow, samirka maad dhowrtid

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r