Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo Mar Kale Xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

Geneva.SONNA…Khadra Mohamed Dualle, Safiirka ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Geneva ee Qaramada Midoobay ee, ayaa muujisay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay beesha caalamka, xilli ay ka hadlaysay kulan ka dhacay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Safiir Khadra ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta isbeddello lagu xoojinayo dowladnimada, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta barnaamijyo horumarineed oo loo dhan yahay.

Waxay sidoo kale xustay in Soomaaliya ay qiimeyso wada-hadalka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo tilmaantay in iskaashigaasi uu muhiim u yahay taageeridda dib u dhiska iyo horumarinta hay’adaha dalka.

Safiir Khadra ayaa ugu dambeyn adkaysay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqaynta Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r