Seoul-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamed Shire ayaa ka qeybgalay Madasha Busan ee Iskaashiga iyo Horumarka 2025 oo ka socota magaalada Seoul Caasimadda Kuuriya koofureed.
Mudane Shire ayaa ka-qaybgalay dood heer sare ah oo looga hadlay waxtarka horumarinta (Development Effectiveness), xilli ay hoos u sii dhacayaan deeqaha horumarineed ee caalamiga ah (ODA).
Agaasimaha wuxuu khudbaddiisa ku xusay qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo aragtida Qaranka ee 2060 oo ah jihada horumarineed ee Soomaaliya iyo qaab-dhismeedka iskaashiga deeqaha Soomaaliya (Somali Aid Architecture) uu u fududeeyo wada-shaqeynta dowladda, bahwadaagta horumarineed iyo bulshada, si loo helo natiijooyin muuqda.
Mudane Shire wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi wax-ku-ool ah oo ku salaysan xog lagu kalsoonaan karo, si loo xaqiijiyo horumar waara xilli ay yaraanayaan deeqaha horumarineed.
“Waxaan rabnaa in iskaashiga caalamiga ah uu noqdo mid waxtar leh oo si cad ula jaanqaada baahiyaha iyo mudnaanta qarankeena, Soomaaliya waa in ay si buuxda u hoggaamisaa qorshaheeda horumarineed, iyadoo adeegsanaysa xog iyo wada-shaqeyn loo dhan yahay,” ayuu yiri Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire.
Shirweynaha Busan 2025 wuxuu fursad siinayaa dalalka soo koraya in ay is-weydaarsadaan waayo-aragnimadooda, ayna xoojiyaan iskaashiga horumarineed iyo awoodda hay’adaha Qaran, si loo gaaro natiijooyin waara.
Be First to Comment