Kampala-(SONNA)-Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Shirkan oo ah kii 19-aad ee Wasiirrada dalalka ku bahoobay Ururka Dhexdhexaadka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, halka ay goobjoog ka tahay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka xubnaha ka ah ururkan ay u yeelan lahaayeen hal cod oo mideysan oo caalamka dhan laga maqlo ay yeeshaan iyo in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.
Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee lagu joojiyay duullaanka iyo tacaddiyada Israa’iil ay ku hayso dhulka Falastiin, iyadoo la isku raacay in qaddiyadda Falastiin ay tahay mid joogto ah oo aan isbeddelayn loogana soo horjeedo dulmiga lagu hayo shacabka reer Falastiin.
Intaas kadib shirka ayaa loo qaybiyay labo guddi oo kasoo tala bixinaya arrimaha siyaadadda iyo dhaqaalaha ee ururkan.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka
More from WararkaMore posts in Wararka »
- Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay
- Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya
- Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea
- Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada
- RW ku-xigeenka labaad ee Dalka oo ka qeyb galay saxiixa heshiiska iskaashiga Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga


Be First to Comment