Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo door hoggaamineed ku leh kalfadhiga 3-aad ee UN habitat

(SONNA):-Kalfadhiga 3-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay (UN-Habitat) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenta, iyadoo ay ka qeyb galayaan dalalka xubnaha ka ah hay’adda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo dhawaan loo doortay La-guddoomiye ka mid ah Guddiga Fulinta, ayaa waxa kulankan ku matalaya Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta XFS.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxa hoggaaminaya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Axmed Aleel, oo ah  Lataliyaha Sare iyo Madaxa Mashaariicda ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta

Soomaaliya, oo xubin rasmi ah ka ah Guddiga Fulinta, ayaa kaalin firfircoon ka qaadan doonta doodaha iyo falanqaynta socon doonta labada maalmood ee soo socda. Kulamadan ayaa dalalka xubnaha ahi dib u eegis ku sameyn doonaan Horumarka UN-Habitat , Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 2026–2029 Go’aannadii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Iyo Diyaar-garowga Shirweynaha WUF13 oo lagu qaban doono bartamaha sanadka dambe, dalka Azerbaijan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r