Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Muqdisho(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee dalka Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv,taas oo loo geystay duqayn.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee ah in goobaha diblomaasiyadeed yihiin kuwo aan la taaban karin, iyadoo xoogga saaraysa waajibka saaran dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan dhismayaasha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda, si waafaqsan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Soomaaliya waxay muujinaysaa garab staaggeeda buuxa ee Dawladda Qatar iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, waxayna ku baaqaysaa in si buuxda loo dhowro shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, lana xaqiijiyo badbaadada dhammaan hay’adaha diblomaasiyadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku celinaysaa mowqifkeeda ku aaddan taageeridda nabadda, xasilloonida, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r