Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Muqdisho(SONNA);–Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.

Soomaaliya waxay garab istaag u muujineysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, iyadoo u rajeynaysa dhaawacyada bogsasho degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay.

Qaaradda Afrika waa inay midnimo ku wajahdaa argagixisada isla markaana mudnaanta siisaa ilaalinta rayidka.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r