Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, kobcinta fursadaha maalgashi iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaqaale oo wax ku ool ah, kaas oo kor u qaadaya horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r