Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Seerbiya oo kala saxiixday heshiis iskaashi diblomaasiyadeed

New York-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka, dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa waxaa ka shexeeya heshiis difaac, iyadoo ay xukuumadda Belgrade ciidamada Soomaaliya siiso tababarro.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r