Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya nidaaminta garaadka macmalka ah

Riyadh-(SONNA)-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh oo ka qeyb-galaya Madasha Caalamiga ah ee hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25) ee lagu qabtay magaalada Riyadh, ayaa la kulmay Mudane Haitham Alohaly, Guddoomiyaha hay’adda Isgaarsiinta, Dayax-gacmeedka iyo Teknoolojiyadda ee Boqortooyada Sacuudiga (CST).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhisidda qaab iskaashi oo dhex mara labada hay’adood, iyadoo xoogga la saarayo wada-shaqeynta ku saabsan nidaaminta garaadka macmalka ah (AI) ee teknoolojiyadda hawada sare iyo wadaagista kaabayaasha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r