Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Nayjeeriya oo Xoojinaya Xiriirkooda Laba Geesoodka ah

Addis Ababa(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Danjire Yuusuf Maitama Tuggar, intii uu socday shirka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay arrimaha mudnaanta u leh qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, horumarka waara, iyo adkeynta midnimada Afrika.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqeynta loo marayo qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyo in la joogteeyo wadatashiyada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nayjeeriya, si loo horumariyo danaha wadajirka ah iyo doorka labada dal ee arrimaha qaaradda.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r