Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo midowga yurub oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Muqdisho(SONNA):- Kulan miro-dhal ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray madax sare oo ka socday Midowga Yurub (EU), gaar ahaan Xafiiska EU ee Soomaaliya iyo Xafiiska Xiriirka Caalamiga ah ee EU, iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene Beene).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo taageerada kabka miisaaniyadda ee ay EU si joogto ah ugu garab istaagto Dowladda Soomaaliya, iyada oo la raacayo hannaan wada-shaqeynta labada dhinac.

kulanka labada dhinac kadib, waxaa la sameeyay munaasabadda saxiixa taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub, taas oo gaareysa €102 milyan, kuna wajahan taageeridda geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, xoojinta hay’adaha dowladda, iyo hirgelinta mudnaanta horumarineed ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kabka miisaaniyadda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata kobaca iyo mashaariicda horumarinta dhaqaalaha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r