Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Labada Dal

Qaahira(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay la-tashiyo rasmi ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, kuwaas oo hoosta ka xarriiqay qotodheeraanta iyo adkaanta xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku-duwidda mowqifyada arrimaha gobolka, iyadoo Masar ay mar kale adkaysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale,
labada dhinac waxay ka wada hadleen dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r