Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada New Delhi kulan laba-geesood ah kula yeeshay Mudane Dr. Subrahmanyam Jaishankar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka. Wasiir Cabdisalaam ayaa muujiyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu isu beddelo natiijooyin la taaban karo.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r