Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Baxrayn oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna

Jiddah-(SONNA)-Qunsulka Guud ee JFS u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, Cabdiwali Xersi Cabdulle ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Baxrayn, Musa Abdullah Al-Nuaimi.

Kulanka oo ay labada mas’uul ku yeesheen Qunsuliyadda dalka Baxrayn ee magaalada Jiddah ayaa waxay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo iskaashi dhinacya badan leh.

Mas’uuliinta ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyagoo isla soo qaaday ka faa’iideysiga dhoofinta Xoolaha, kalluunka, qudaarta, miraha beeraha iyo macdanta qaybaheeda kala duwan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r