Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo gaaray heshiis iskaashi oo dhinaca garsoorka ah

Algiers  (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Aljeeriya mudane Lotfi Boudjemaa ayaa magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda labada dal.
Heshiiskan Is-afgarad ah ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, wuxuuna diiradda saarayaa is-dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada ku saabsan dib-u-habeynta iyo tayeynta nidaamka caddaaladda iyo hay’adaha garsoorka.
Heshiiskaan ayaa xoogga saaraya horumarinta sharciyada iyo habraacyada maxkamadaha, kor u qaadista madaxbannaanida garsoorka, ku dhaqanka sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso nidaam caddaaladeed oo hufan, la isku halleyn karo, kana jawaaba baahiyaha muwaadiniinta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r