Press "Enter" to skip to content

Soomaali Gob ah (Noofeember 29, 2006)

 
Isagoo ka dabaakhtamaya hanjabaado badan oo kasoo yeedhay cadowga ummadda Soomaaliyeed 
ayuu abwaanku gabaygan tiriyey. Wuxuu yidhi:
 
 
- Nin gumaysi raaciyo Axmaar, gacantii mooyaane
- Soomaaliga gobta ah awgayoow, looma goodiya e
- Godobtiisa maqan waa ogyahay, goor iyo ayaane
 
- Gallad weeye diintuye xaquu, garab istaagaaye
- Geerida ma diidiyo dagaal, galay shinkiisiiye
- Goonyaha ma dayo maalinkay, dhimasho gaadhaaye
- Gardarrana ma qaatiyo xumaan, guudka loo sudho e
 
- Gurey iyo sidii Sayidkii buu, gama'a diidaaye
- Gayigiisa hooyiyo dhulkuu, nacab ka guulaaye
- Calankaa aan midab guurin buu, gaadhka ka hayaaye
 
- Shanta cadowgu kala gooyey buu, goobayaa wali e 
- Dikhil iyo Gabbood waa horrey, gacashi waayeene
- Waa inuu Galbeed soo ceshiyo, Gaaris oo xora e
- Guul iyo midnimo waa in uu, glab ku faanaaye.
 
 
Fure:
 
Dikhil: waa magaalo Dalka Jabbuuti ku taalla
Gabbood: waa xaafad ama xabsi ku yaalla magaalada Jabbuti
Gaaris: Magaala Madaxda NFD
 
 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r