Press "Enter" to skip to content

SoDMA oo magacawday Agaasimaha Santuuqa Maareeynta Khataraha Musiibooyinka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Musiibooyinka ( Director for National Disaster Risk Management Fund).

Gudmoomiyaha ayaa asagoo tixraacaya SHARCI Lr.17 kaas oo qodobkiisa 8-aad farqadiisa 2-aad 3-aad Iyo 4-aad uu dhigayo in Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ay abuurto Sanduuq dhaqaale oo ay ka qeyb galayaan ganacsatada iyo dadweynaha Soomaaliyeed kaas oo loogu talo galay in looga jawaabo Xaaladaha Deg-Deg ee Musiibooyinka Dalka lasoo gudboonaada ( Emergency Response ).

Mudane Diiriye ayaa lagula dardaarmay in uu hoowshiisa u guto si xilkasnimo leh, Allana uga baryay in uu u Fududeeyo Masuuliyadda loo igmaday.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r