Gabaygan jacaylka ah abwaanku wuxuu u tiriyey xaaskiisa. Sidduu sheegay Cabdullaahi, doobnimo ayuu ku weynaaday ka dibna guursaday gabadha uu gabaygan u mariyey. Sababtiisuna waxay ahayd kalgacayl muujin iyo masayrtir. Wuxuu yidhi:
-
Aabahay rumaad iyo kolkii, hooyo laga reebo
-
Shugriyey wax ruux iyo naf leh, baad iigu roontahaye
-
Anna sida aan kuu rabo dhab baan, kaaga raaridiye
-
Rasmi inuu kalgacalkaygu yahay, oo aanan riyoonaynin
-
Rabbigii i uuntay baa igu ogee, rubuc intaad qaado
-
Raaliyadii aan saanyadaay, ramo odhaahdayda
-
Oo soo rujuuc oo niyada, hayga kala reebin
-
Anoo ruug-caddaaya oo aan lahayn, rug iyo raas toona
-
Anoon raasamaal haysan iyo, kob aan ku raaxaysto
-
Raggu maalintay shiri anoo, la iska kay reebo
-
Hadalkayga oon run iyo been, axad rabaa joogin
-
Ruwydiyo Najiib iyo Bedri iyo, raxantan qooqaysa
-
Muxyadiin Rijaal iyo Sacdoo, ugu yar reerkayga
-
Ubadkaa anoon rag iyo dumar, aabo ruux odhanin
-
Rabbi mahadii Eebaa, nikaax iigu kaa ridaye
-
Kolkan reerka buuxiyo adoo, raaxo ii sababay
-
Rabbi kuma cadaabee abaal, raaga adigoo leh
-
Sidee baanan aad kuugu rabin, saw nin rag ah ma ahi
-
Natfaa kuu riyaaqday oo ducaan, kuu ratibayaaye
-
Rabbigayna wuu iga aqbali, saan rajaysnahaye
-
Adduunyada ku raag oo wax badan, ribix ku noolowe
-
Risiqa Eebe kuu waasacyoo, raas qabow noqo e
-
Raggaa iyo raggii ay dhaleen, oo isdaba roori
-
Intay gaadhiyaal kuuraraan, raarta buuxsada e
-
Rukumada Xadkii iyo Kabcada, raaliyaay gudo e
-
Ifka waysku raynaye markay, ruuxdu ina dayso
-
Rabbigay ha saamaxo danbigaad, ruubatee hore e
-
Rasuulkii udgoonaa intuu, kula rafiiqsiiyo
-
Raaca u horeeya ee jannada, Rawdo gali doona
-
Alla inama kala reerayee, ha isu keen raacsho
Be First to Comment