Press "Enter" to skip to content

Show sabbaad tahay

Axmed Ismaaciil Diiriye ninkii la odhan jiray ee Qaasimku magacdheeraa ayaa 1974kii gabay mariyey. Gabaygaasi wuxuu ahaa mid qabyaaladeed, Soomaali badanna wax ka sheegaya. Sidaad arki doonto Qaasim gabayga wuxuu ka billaabay Eyle iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene. Eyle waa tol Soomaaliyeed oo koonfurta dalka ku badan oo ku abtirsada beesha Jareer Weyne, Siwaaqroona waa niman Majeerteen ah oo bariga Soomaaliya dega. Dhoodaan oo xilligaa Hargaysa joogay ayuu gabaygaasi gaadhay. Kolkii uu dhagaystay ayuu wuxuu u tagay Cali Cilmi Afyare. Wuxuu ku yidhi “war ninku Siwaaqroon ayuu garaacay, faalooyinka kalena iyagaa ayunbay ku imanayaane u jawaab.” Cali haye waan u jawaabi ayuu yidhi. Muddo ayuu Dhoodaan is celiyey oo uu sugay jawaabta Cali Cilmi Afyare. Isagoon wali wax hadal ah ka maqal Cali ayuu Dhoodaan wuxuu arkay gabaygii Qaasim oo laysla fandhaaliyey oo si daran ugu faafay Xamar iyo Hargaysa. Gabadhu gabadhii ayey ku casuuntay, darawalku darawalkii ayuu ku casuumay, sarkaalku sarkaalkii ayuu ku casuumay, dibjirkuna dibjirkii ayuu ku casuumay. Sidoo kale Dhoodaan wuxuu arkay dadkii oo gabaygaa xiisad ka qaaday. Kolkaa waxay badday inuu jawaabo. Gabaygii Qaasim oo dhan iyo kii Dhoodaan oo in badani maqan tahay ayaan hoose kusoo qaadanaynaa si dulucdu kuugu ambabaxdo.

Gabayga Qaasim wuxuu ahaa:

Eyle iyo Siwaaqroonta xumi, ha i suryeeyeene Seetada ha ii gaabiyeen, sabab la’aaneede Seeddiyo boqnaha hay jareen, sab iyo laangaabe Sanqadh yari ha ii dilo tumaal, siiqya looshadaye Sanka hayga mudo inan-gummeed, loo sarrayn jiraye Sawaab iyo midgaan Guulwada ihi, ha i sudhnaadeene Hadba hay saloosheen sidii, geedka saarka ahe Ilaahbaa sidaa noo gartee, ha i sadqeeyeene Annagiyo Saleebaanadii, way na sidataaye Seeftii Abgaal bay agtaal, saawirta ahayde Habar Gidir sinsaarada ku timid, sigay ugaaskiiye Sixilluu Kacaankani u galay, Sacad raggiisiiye Warsangeli suldaan iyo ma jiro, boqor la sooraaye Saamee dhammaantii Isaaq, salaw colaadeede Soomaalidii waxa ka nool, saaka madaxgaabe Wax siyaasaddii loo egmaday, silic ku nooshiiye Markii talada habar saar leh iyo, sebiyo lo doortay Ayey sayn-caddaa iyo waxgarad, sibiq dhaqaaqeene Dhulkan suuradii laga baddelay, socodna dhaameelay Way wada socdaaleen raggii, soocanka ahaaye Saadada cadhootee midgaha, laga sarraysiiyey Waa sixirradii Bucurbacayr, sananka muuqdaaye Inta ay sidaa tahay nin gobi, sooman ka ahaaye Qaansaleydu haw sacbbiyeen, Siigga qalataaye Naagaha surwaalka lihi mashxarad, ha u safnaadeene Single iyo waxaan dhalad ahayn, siidhi haw tumo e Sabaalada ha moodeen in loo, sahanshey meel roone Saadaaladaa lagu gartaa, sebenka caal waaye Waa waxa abaar nagu salliday, soof ma reebta ahe Saddex-guuro waa waxa na baday, sadhiyo daacuune Samadii daruur laguma arag, seermaweydada e So’dii ceelka waa waxa biyuhu, uga salguureene Adduunyadu sidaa kuma gudhoo, subaxba waa cayne Nin kastoo sallaan dheer u baxa, siibashaa xigiye Suuldaaro waw halis ninkay, rag isa seegeene Sirqabahana taariikhdu way, sahamindoontaaye Maantana Siciidow waqtigu, saamaxaad malehe Moorada salkeediyo xalaan, sugay malluugtiiye Siigadaa madow ee dayaxa, saaran baan garanne Dhiig buu sidaa waqalkan aad, sagalka mooddaaye Siigada dhacaysaa ragbay, sabibi doontaaye Illaahay sidaan ka arki jirey, way ku socotaaye Duulkii sedkoodii dhammaa, saancadka lahaaye Sanbabada gantaalaha ka mudi, saadanbay garane Waa layna kala soocayaa, subax aan dheerayne Ninki cadho la sooyaamayow, samirka maad dhawrtid

Qaasim gabaygiisu intaa ayuu ku dhan yahay. Jawaabtii Dhoodaan cajalad uu xilligaa ku qabtay ma helin. Bishii May 2009 mar aan ku booqday magaalada Diridhaba ayaan gabayaaga doocdoociyey oo aan ku kallifay inta uu ka xasuusto gabaygaa inuu ii qabto. Wuxuu ii sheegay inuu gabayga Qaasim finiq-finiq u tixraacay, hase yeeshee gabaygiisa badankiisii uu halmaamay oo aanu hadda soo tuuri karin. Waxa maqan waxaan ku raadin inta yar ee aad xasuusan tahay ee ii duub ayaan ku adkeeyey. Markaa ayuu ii sheegay meerisyadan hoose. Dhoodaan wuxuu yidhi:

·Nin siqsiqaya waa loo ritaa, mar uu sinbiidhaaye

·Ku sarkhaamay oo Qaasimow, suuxsan baa tahaye

·Sababtoo ah saa waa inaad, marinkii seegtaaye

·Haddaad sirirtay saaxiibadaa, kuuma saxayaane

·Anna saaka sawd uma cesheen, tuug salleelo ahe

·Hadal suruq leh iyo sheekadaad, saydhisaa ba’ane

·Asalkaba sintaad raacsanayd waa, su’aal fudude

·Saado iyo Shariif iyo durriyad, sadarba waa cayne

·Saddexdaba ciddiinaa tidhaa, waa safkaan nahaye

·Salsaloodad mooyee haddana, kuma salowdaane

·Dhanna kuma sallimo Qaasimow, reer sansaan xume

·Sakatiga waxaa kuugu wacan, show sabbaa tahaye

·Waxaan kugu sasabayaa anoo, talo ku siinaaya

·Sancaduba aday kuu dan tahay, saa haddaad garane

·Hayska soocin Soomaalida waad, dhex socotaaye

·Sinaantiyo waxaad dawladnimo, uga santaagayso

·Sad qabiil hadduu yahay inaad, suuqa kaga baanto

·Sarsarkiinu waw jilicsan yahay, seeska reeraha e

·Wakhtigii saraayo leh ragbaad, saynta kaga taale

·Dadka soodintiinaasi waw, sabad xumaydeene

·Adaa saamo jiidee haddaan, taadi kala saafo

·Doog saxal la’aaneed wakaa, maalku saanyado e

·Habar Gidir sinsaariyo ma helin, seexatiyo feedhe

·Mana sigan ugaaskiiye waw, sacab tumaynaaye

·Seef looma quudhiyo Abgaal, sumuc ka dhiijaaye

·Idinkiyo Saleebaanadaa, laysma soo sudho e

·Suwaaqroonta bariyeed lahayd, ima suryeynayso

·Isaxaaq sidiisii iyagu, sado ma dhiibayne

·Adaa sumac-la-raac kaga haboon, sogob dhufaanyow e

·Oo soomalhaadoo hunguri, kuu sanqadhayaaye

·Ka surkaaga xidhay waa ugaas, kuu sarayn jiraye

·Seetada ha kuu gaabiyeen, sino qalloocnayde

·Haddii sayn-caddaa gabbay xilkii, dhabarka loo saaray

·Asii habar saar qabtiyo, sabi uu dhaamaayo

·….

·Dayaxa iyo suudiga kolkaad, sahanka gaadhsiisay

·Qiiqaa ku saameelan iyo, siigadaad aragtay

·Sixiroolayahow waa adigoo, lagu sadqeeyaaye

·Wiilkii sallaan kore u baxay, sabano dheeraad ah

·Siigada hadduu kaga dhacoo, kaasu sidan waayo

·Sunbuu adiga kaa yahay kollay, subaga daataaye

·…

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r