Orgigii Mudug ayaa is hortaagay is rashaxaadii faraska. Wuxuu yidhi orgigii Mudug:Farasow waxaad ku hadlaysaa, maan faqiirnimo eWaligeed fahmada way dhintaa, feedha weyniduyeFakarkaa ku yare khaadimnimo, kuma aad faanteeneDadku adiga yey kugu fusheen, waxay falaayeeneAdigaa fadiilo u ahaa aan, wax faaqidineAdigaa laguu fuuli jiray, faylagooyada eAdigays figayn jiray intaad, fanato haadaaneFakadkiyo aday odhan jireen, fiiga soo qabo eWaa fadaladaadii waxaa, tan iyo Fiiq yaaleFuud siinta waxay kuu bareen, ruuxna yuu furaninWaadigaa fidsamay geedadoo, faaxay dheegyada eFagaaraha kurtiis baa hurgumo, faartay kuu qabo eFicil li’ida doofaarka yaad, farac wadaagtaaneGacalkii nimuu faray habaar, foolxumaa diliyeWax faquuqni sidii ey cadhiyo, furuqle weeyaaneSango madax-faluuq waxa ku riday, aadmigoo falayeMa furdaamin karaynoo dhakada, yaa fin kaga yaaleIs foocaacin kama daalayiyo, foodhin been laha eAdoonimo fac weyn qirayey iyo, duul aan fayoobayneFadli moodyey nabigay golaha, kaga fijaasaaneXakamaha fidigiyuu niyada, mahad la foocaayeFaraxyada inuu qoofal jaray, yuu ku faarixiyeHaddii koore faaruqo cadhada, waa firganayaayeTaladeena yaan faras garba’ la, faraha loo saarinNinkii dameerka raran jiray oo ul dheer qarqarka u sita ayaa soo muuqday. Dameerkii intuu shirkii ka kacay oo ka hortagay oo gidaarka kala hadlay oo u tannaagay ayuu wuxuu yidhi:Anoo dawlad falanqaynayoo, lay fajacay doodaAnoo faylasuufnimo ku hagi, gole la feeraarshayFoostooyin ima saarayside, hays fadqalalayninNinkii xerada mas’uulka ka ahaa ayaa yidhi dee iskaga tag hadduu ku diiday maxkamadaha ka dacweeyoo. Ninkii dameerka raran jiray wuxuu ku jawaabay:Annagiyo faruur-caddayaal, kala fogaan maynoIsuma fayno laakiin dagaal, faydo tari maayoDugsigiyo fagaagayga yey, fir u lahaayeeneFarta iyo dacwada aad barteen, waa fidmo horteedeHaddii aan fasaxo sow darxumo, kuma falaadaysoBalo feenatiyo haaddu sow, meel ku fagan maysoNinkii xerada mas’uulka ka ahaa wuxuu yidhi ku diidyee wixii faganaya ha fagteene isaga tag haddii kale maxkamadaha ka dacwee. Wuu iska dhaqaaqay markaa ninkii isagoo aan garwaaqsanayn arintaa.Awrkii xerada ugu weynaa ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha wuxuu yidhi geela ha la doorto. Wuxuu yidhi:Anigaa leh hoomaal san iyo, haybad iyo joogeHillaac naga fog anigaa indhaha, ku haya leylkiiyeHirkii laaci anigaa arkiyo, haradii doog weyneAnigaa hanfiga jiidha iyo, Sool haraad kululeAnigaa hadaafoo dhexmara, hawd cidhiidhiyaheAnigaa af-dhiigta u hoydiyo, halista baasheedeHiirtaanyo anigaa ka madhan, hibasho waa boogeAnigaa hufnaan badan leh iyo, hab iyo qoor dheereAnigaa is hogaamiyaan, hoos waxba u dayineDeeqsinimada anigaa hiddiyo, hooda u lahaayeAnigaa wixii aan hantaba, hura abidkayeHoddannimada anigaa sidiyo, hibiyo iimaaneAnigaa leh hoog gobonimaad, ka hirqan doontaaneAnigaa dhir hadhac weyn lahoo, heelan idin gayneHoggaankiina ii dhiibta oo, igu hareer joogaOrgigii Mudug ayaa is hortaagay madaxnimadii geela, wuxuu yidhi:Waxa geelu uu ku hadlayaa, waa hadoof madhaneHooshaarku waa beentiyoo, weyna hodayaayeHungo weeye laafyaha kanuu, hanaqa jiidaayoHunguruu la dabandeebayaa, horor siddiisiiyeHamuuntiyo cirweynida dhammaan, halacyo weeyaaneSida haanta qabo soortu wey, ku halwaneysaayeHogorkaba intuu madhiyo buu, hugun sal waayaayeHanba reebi maayoo salkuu, laaci hoorsiga eWaxa geed hadoodilan arladu, haar cad bay noqoneWebiyada habeen qudha ayuu, hiisan gabigoodeHurweynada darleefaa u iman, huugo kaligeedeHabaqlihiyo waxaan yaabaynaa, hugunka soo shaw eHulimada intuu buuxsho yaan, laga helayn meeleHurduf iyo wuxuu inagu layn, hiijo iyo law eHaraatida ayaa ina dhamayn, halakadeediiyeHadhow baan hadaadun iyo cadho, hogaynaynaa boodheHadhow baan habaartan iyo ciil, la hundhudhaynaayeGoor boqontu ina heerantaan, hiif is cunaynaayeWaa kaa hareeraha gabranoo, hayjadaa tubaneHanqaloocsi waa kaa ku dhugan, weelashaa hilaneHoggaankeena yaan geelu qaban, haatan baan digayeOrgigii Mudug ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha oo yidhi riyaha ha la doorto. Wuxuu yidhi:Indha qaaliyaan leenahoo, meel fog soo qabaneQuluub saafiyaan leenahoon, qalad ku duulayneMaskax qani ah baan leenahoo, qaadda buuraha eQorqoraansho yaan leenihiyo, qurux hanaankeedeCir qiyaasan baan leenahoo, aan wax qadinayneQadan fiican baan leenahoo, uunku noo qirayeRabbi baa annaga noo qaddaray, qaaya weynida eQoonkii is xaasida nicmadu, wey ka qubataayeQaafaanu nahay guurtiyey, talada nooquudhaAwrkii ayaa is hortaagay is rashaxaadii riyaha, wuxuu yidhi:Riyo talada kuma ay qumana, qeexay hadalkaaseQanje laayayoow qaran tukubin, uma qalmaayaaneQaxar weeye oomaarayaan, diga qaboobayne??Qardabiyo waxay inagu layn, qeylo kululaaneQalaadkooda badan baa dhaguhu, noo qarxanayaaneQardoofooyinkiyo geeska yey, nagu qataysiineOrgi qeydhaboo godon ayaa, qooq inoo diliyeIs qaloocin iyo maag ayuu, noogu qawdhamiyeQaroofihiyo giir kicinta yuu, qoorta lawlabiyeNoo wada qabbaanada ayey, nagu qasbaayaaneQurfo fuula bay ina odhan iyo, qarar cagaag weyneQabco keena iyo yey na odhan, midho qalfooneedeQamaankay waxay ina marsiin, qawyo dalaw dheereQeydar iyo waxaa inagu mudi, jeerin qodaxdiiseKa qaraari maayaan dudmiyo, qoonsimaad badaneMarkay qolofta ka xagtaan dhirtuba, wey qalalaysaayeXiddidada qoyaanka leh ciddida, yey ku qodayaaneHabaas qiiq la moodiyo dhulkuu, qarinayaa boodheRuuxii qufaca oo cabudha, way qalacayaaneQablanka iyo cadhaday ku sigan, inay qudh gooyaaneQiilqiil inaga oo ku nool noo, qoslay odhaneInta ayna qab weyn iyo riyuhu, qiima sare sheeganDabadooda yaa qaawan ee, ha qarsadeen ceebtaTaladana qamaamuurta kale, qolo inoo saaraWaxaa madaxnimadii xoolaha isu soo rashaxay sac oo yidhi lo’da ha la doorto, wuxuu yidhi:Afar qooblahaa tuban shirkee, togaya giirkiisaIshkinkaa garbaha taagayee, amar la tookhaayaAnagaa tolkood wada ahee, talada noo dhiibtaAngaa leh qurux taabud ahiyo, waaxyo tamashlayneSuudh lala taxaashiyo anagaa, tayga ku habooneAnagaa xarago tiicaynee, talada noo dhiibtaDameerkii ayaa is hortaagay oo yidhi lo’du dhulkaba qurdub ku reebi mayso caws iyo geedo toona, wuxuu yidhi:Carrabkeeda tobanyaalka baac, tiigsan qori yaalaCaloosheeda toxobka ahee waqeed, baahi talalaysaMa lo’ baa qurdubo nooga tagi, tog iyo laag toonaSaw tin xaabi meeshuu jiraba, uma talaabaysoMadax quud u taabac ah miyaa, horumar taabaysaMa tanaadaynaa gaajo, sow nama taftaafaysoMa waxbay taraysa bulshada, tuurta lulideeduMiyey taladu ku hagaagaysaa, tudhud la weedhaanshoCaqlibaa tisqaada ee xarago, udub miyey toosinFaraskii ayaa wuxuu soo jeediyey in la doorto idaha Deexda, wuxuu yidhi:Isku daalay oo dacasnayoo, doodii lagu xiiqyeTuhunkii danbaw ina taryoo, doogo soo kiciyeWarkii Dakhare ina taabay iyo, nabaro duugnaayeDanqashadiyo dhiidhiga wataa, laysu dudayaayeHaddan kala dareeroo khilaaf, dumiyo goobteenaDuuggeena yaa hoogayoo, waa darxuma weyneDayacii horaan mudanaynaa, ee nadaashadayeDuli baan la kamandhuudhaynaa, xero dabayl weyneWaxaa inagu soo digan dadkiyo, habar-dugaagiiyeDuniduna waxay odhanaysaa, doqoni waa tiiyeDibna uma kulmaynoo haddaa, qaarba deyr galiyeWaa kala dalweynaa siddii, duul habaar qaba eDawladnimada aan hanana oo, gaadhno danaheeneWaxaa aan inoo doorayaa, idaha DeexeedeDuco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina eDamanaan gob baa lagu arkiyo, dul iyo iimaaneIyagaa qabow dabac ah aan, dariska maagayneDurwun iyo iyaga yaan aqoon, diradiraalayneDulmigiyo iyaga yaan jeclayn, dabay hulaaqshaaneIyagaa baruur daacayoo, dulundulcayn goofeIyagaa dudada qoyska iyo, sabadu deeqdaayeIyagaa dareen culus lahoon, been lasoo didineIyagaa duduuciyoo bulshada, aad yar daadihineIyagaan dalluun iyo godiyo, dalow ku tuurayneIyagaa daggan oo aan fudeyd, sii durdurinayneWaxaa aan inoo doorayaa, idaha DeexeedeDuco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina eOrgigii Hiiraan ayaa is hortaagay in Idaha la doorto. Wuxuu yidhi markii aan hawshan ka shaqaynaynay oo halgankan iyo shirarkan qabanqaabinaynay qeyb badan inagalama ay qaadan oo waatay xerada dhinacaa iska daaqayeen. Wuxuu yidhi:Shirka goortii aan dumaynayoo, wada dadaalaynayWaatay iduhu daaqayeen, xerada daaftaaseWaataynay hawl nagu darsanoo, naga durkaayeeneDeymo ku xadka waatay indhaha, naga dadbaayeeneWaatay sakaar digixsan iyo, dari lahaayeeneWaatay is doqonaynayeen, dala sidiisiiyeDammiino iska yeelyeelka, waa nagu dagaayaaneDiiqad baynu galaynaa hadday, dakhalka…………..Dararkoo dhan bay qarinayaan, fara daraadoodeDubka Qarindiday yeelan iyo, diir Maroodi aheDanba kama galaayaan hayaay, dhiilo daba taaleMa digiigixanayaan haddii, daad na soo galo eDug bay odhanayaan oo hurdada, kama dafaayaaneDamalada qabow iyo dhalcada, yey is dadayaaneCiddii soo danqaabtana hardida, yey ku dawdabiyeDacwadiyo midkii qaylo badan, waa dig dhabayaaneDadka aan ka cabanayno yaa, loo darsanayaayeDeylo culus hanaan dawladeed, sow dallagi maysoMarkii arintii sidaa u ribbatay, Orgigii Mudug ayaa talo soo jeediyey wuxuu yidhi is rashaxaadaha aan joojino marka hore aan isla garano nooca dawladda xoolaha noqonayaan, markaasaynu garan karaan cidda ku haboon haddii loo baahan yahay: mici iyo muruq, ama gees iyo raaf, ama orod iyo cago, ama cod iyo qaraaxad, ama sayn iyo dhogor, ama wixii kale. Arintaa waa loo riyaaqay waana laysku raacay waxaana loo qabtay guddi uu guddoomiye ka yahay dibi, xubnana ay ka yihiin laba halaad, laba orgi, laba wan, saddex laxaad, faras iyo sabeen xog-hayn u ah.Waxaa kale oo la qabtay guddi guddigaa ugu qeybsan calafka iyo biyaha ooka kooban hal, faras, iyo orgi. Riyuhu way gunuusayeen oo waxay lahaayeen guddidu iday u badan tahay, maxay keenaysaa guddi ido u badan, sow tii la yidhi idaha riyaha ayaa indho u ah. Waa la gawriyoo waxaa la yidhi maahmaahyihii Bani-Aadamka shirka xoolaha ha keenina. Dameerku waa dudayey oo wuxuu lahaa wali waxaa dabada la hayaa wixii deero dalka geeyey. Awrkii weynaa intuu geed halkana tagay oo caasha saaray oo isku jajabiyey oo cartay ayuu wuxuu bilaabay mici lisad iyo raamsi culus oo lagaran waayey macnihiisa iyo ujeedadiisa.Guddigaas waxaa la faray oo xilkoodi laga dhigay inuu soo baadho xukumada Aadmiga kusoo dhaqmay ee soo maray adduunka hor iyo dibba, Bari iyo Galbeed, Hanti Wadaag iyo Hanti Goosad, Boqortooyinka, xukumada ku dhisan xisbiga kaliya, xukumada ku dhisan axsaabta tartanta, xukumada ku dhisan diinta sida kaniisadihii casriyadi dhexe ee Yurub, Daraawiishtii Soodaan, Daraawiishtii Soomaaliya ee Maxamed Cabdille Xasan, nidaamkii Khumayni ee ka dhashay Iran. Xukumadaa oo dhan intay soo baadhaan, mid walba tilmaan kasoo bixiyaan xumo iyo samo, soo kala xullaan, inay report kusoo celiyaan xoolaha ayaa la faray.1987, December, ayaa duqiii magaaladii Muqdishu xoolohii wuxuu saamaxay iyo wuxuu ganaaxayba xeradii ka sii daayey, xoolihii xeradii waa ka yaaceen. Waxay ku balameen bishaa bisheeda diraacda beerkeeda inay qabsadaan shirweyne xoolaad. Waxay ku balameen ceelka Biratable oo u dhaw Boocame oo ka tirsan Sool, Gobolka Sool, degmada Laascaanood. Waxay xidhiidhiye ka dhigteen Orgigii Hiiraan. Waxaa lagu balamay shirka inay kasoo qeyb galaan da’da dhexe ee xoogga leh, gaanaha iyo garab weynta. Waxaa lagu balamay oo laga saamaxay shirka inaanay iman oo isku soo dhibin, ubadka, uurleyda, iyo umulaha. Waxaa laga mamnuucay shirka inay yimaadaan wixii hilib cuna oo dhan. Waxaa goobjoog loo ogolaaday shinbiraha iyo ugaadha.Waqtigii lagu balamay ayaa shirkii la isagu yimid. Orgigii Hiiraanna si fiicanbuu u shaqeeyey fariimo dir iyo waraaqo qor. Waxaa kasoo qeyb galay shirkii 2002 neef. Waxaa soo gabraday shir aad u qara-weyn; gurxanka, reenka, cida, ololka, dananka, yabaqa, banaaxiga, xoqoshada, takara-dhabadka, gafuurka faruuryaha, sibirta, gondaha, qoobabka, qanjaafulaha, qanaanta, dibka, dabada, kolmaha, sinagyaha, garbiska, isriixa, iyo gilgilashada. Shirweyne xoolaad oo cajaa’ib leh.Gaadhka waxaa loo qeybshay fardahaRaashinka iyo taakulayntana waxaa loo qeybshay baqlahaService ka iyo adeegana waxaa loo qeybshay ceesaamahaMarkuu shirkii soo gabraday waxay indhuhu wada eegeen oo lawada jalleecay orgigii Hiiraan oo la leeyahay dee adaa oday meesha ka ah oo shir-gudoomiya ahee shirka fur. Orgigii Hiiraan wuxuu isla taagay khudbadii furitaanka shirka. Wuxuu yidhi:Alxamdu Lilaah kulankeenu, waa noo aftaxal kheyreAlxamdu Lilaah wuu noo aqbalay, Eebe taladiiyeAlxamdu Lilaah geel iyo idiyo, adhi cadkaa buuxaAlxamdu Lilaah ceesaamo ugub, waxa abeer tiiciAlxamdu Lilaah adhax-weyn riyaad, waxa is jiidayaAlxamdu Lilaah aabida lo’aad ee, indhaha deeqdayAlxamdu Lilaah eegidda fardaha, gaadhka lagu aadshayAlxamdu Lilaah baqal oofa weyn, waxa ormaynaayaAlxamdu Lilaah ooglaha dameer, uur-cad waxa taaganAlxamdu Lilaah xooliyo ugaadh, aagan waxa tuuranAlxamdu Lilaah ururkii wakaa, noo abaabulaneAlxamdu Lilaah aayaha danteen, u arin guulkeenaHayeeshee adduunyada dhib iyo, aafo lagu laaqyeWaa meel inkaar meeraysiyo, ay ibtilo taaleIlmihii dhashaa waa dareen, wuxuu la ooyaayeInay agab la’ tahay meeshu, yuu sii ogsoon yahayeAahda noole waa wada yaqaan, taahda eraygiiseImtixaanku waa wada hayaa, Aarka iyo XiideAgahaaga balo sii martaa, aadda dariskaayeAqal ooyayaa u dhaw, kaa laga aroosaayeWixii uunku kuunyaba marbaa, goortu ka adkaaneSinge orod badnaan jiray wakhtigaa, aayar soo rida eUl miciinsay odaygii barbaar, soo ahaan jirayeInaad luqunta saydhaba duqnimo, awrta lagu qaadyeUdbo xalayto taagnaa ayaa, maqan aroortiiyeAagaankii buuxsamaba waa, la af-rogaayaayeIddi looma taamyeelo iyo, ruux is lihidiiseIfka dunidu hawl aan dhamaan, badan weeyaane??Waxaa amarkutaaglaynta gaya, Eebe kaligiiseGuulbuu abaalkood ka dhigay, duul adkaystaba eUsbuucyadii dhawaa iyo bishaan, olole soo haynayIliilaha cagaaga ah bishaan, socod kusoo oonaySamir Eebe ehelkii dhintee, ayada bahal jiifshaySamir Eebe qaarkii anbaday, oo afqadu kaysaySamir Eebe qaarkuu ajalay, cudur asiibaayaSamir Eebe qaar Aadanuhu, aadan naga dooxdayAmuurtii shalay maanta yaa, lagu ilaawaayeArin duugmay sii gocashadii, waa Allow sahaleHaddaan laga umulin way ba’daa, xaajo uur lihiyeAmin xaalka joogaa markaa, la awal yeelaayeIrid loo mariyo qaabna waa, lala abaaraayeGuddigii waxay talo arkeen, aan lawada eegnoGuddigii kal hore la qabtay ee dibigii madaxda u ahaa ayaa waxaa la yidhi baadhistiina reportka natiijadii keena oo soo bandhiga. Waxaa istaagay dibigii guddiga madaxda u ahaa, Margi-Yaaqle, wuxuu sheegay guddigu markuu baadhistiisii soo bogtay nidaamka uu ku talinayo in la qaato oo xukunka dawlada xooluhu uu ku dhisnaado inuu noqdo nidaamka “Social Democracy” ga ah ee ay ku dhaqmaan dalalka Scandinavian ka, Sweden, Norway, iyo Denmark, iyo kuwa u dhaw nidaamkaa laakin tilmaanta ay qaateen waxay ka dhigteen dalalkaa Scandinavianka. Dibigii warbixintiisii sidan buu u jeediyey wuxuu yidhi:Markaan Bariga wada tooyaniyo, babacyadii JaawoBunjab iyo markii aan Hindiga, badan ka faaloonayTeer iyo Baqdaadiyo markaan, bidixda Faas dhawrnayBukhaariyo markaan Samarqadiyo, banan xogtood gaadhnayMarkii aan biyaha Foolgo iyo, beeratada eegnayBudrusbood markaan helnay iyo, Moosko khabar buuxaMarkaan beelo Ruusiya dayniyo, Baltik dalalkiisaBadhtamaha markaan yurub hubniyo, waxa Baraag yaalaBaariista weyn iyo markaan, Biritish shaandhaynayTalyaaniga markaan buuqa jira, baadhnay sababtiisaMarkaan Bortuqal iyo Spain, bowdka uga jeednayBadweyntaa Atlantika markaan, dhuuxnay bogaxeedaBarwaaqada Amriikiyo markaan, Kanada baandhaynayBrazil dadkeediyo markaan, Panama xuuraanayInta beel markaan tirinay, ee Bacific doojoMarkaan labada Bool sahaminiyo, barafka Iceland ba (Poles)Afrikada balaadhanee markaan, baaxada leh aadnayBanqaazigu Congo iyo, markaan Brundi suuraynayMarka aan Benin iyo warkii, Buuro Wadal haynoBani-Aadam dhaqankii markaan, baal walba u raacnayBuusaalo iyo dood markaan, bilo kusoo daalnayBuugaag markaan soo akhrinay, dhaaftay boqolaalkaBulfak iyo markaan Raasiliyo, Beekin la cawaynayBalnaashaad wuxuu qoray markaan, boobnay sida daaqaBayaankii markaan Marks iyo, baaqii wada leefnayBoryosaartar iyo Kaaf markaan, foore kula baadnayMarkaan baxarkii Faaftiir galiyo, boholihii DarwinBurdad iyo markaan Tolistoy, budo sideed ruugnayMarkaan baababkii Ina Khalduun, gun iyo baar laacnayBudliir iyo markaan Laamartiin, biidna nagu seeginMarkii aan Suheyr iyo Buxturi, beyd walbaba qeexnayBaabihii markaan Macariyoo, bu’aya soo jiidhnayBushtiin iyo markaan Shawqi iyo, darisnay BaaruudiBaxsanaanti Raage iyo markaan, baranay Gahaydh baHabka Reer Bakool iyo markaan, bogonay Xeer CiiseBadow iyo magaalaba markii aan, buldinay uunkaCidkastoo la biday maan markaan, raacdo nagu baaqanBoqor taliye iyo Shuuci iyo, Baardhi kaligiisaOo aan baraad waayi foot, uga baqayn ceebtaBeel horumar gaadhiyo samiyo, bilic ma keenaaneIyagaaba baad loogu dari, buraday haystaaneBeen hariiryaleey sheegi iyo, baadhil fara weyneWaa beyd hadoodilan oo aan, barako hoos ooleBulxankooda iyo reenka iyo, buunka iyo heestuSiddii roob ku da’ay buur salaxa, ama bacaad meel ahWaa balalow lagu daalayaan, geedo soo bixineGalbeed baa buriidiyo shacbigu, bili ku haystaayeMadaxdaan kursiga loogu bogin, waa iska beydshaaneSharci madax banaan iyo garbaa, la isku baacshaayeBaaxado is jiitaa adduun, lagu bardaanshaayeBaaxaali baa lagu dhisiyo, Bin-Aadan miisaaneBadbaada waxaa dhala quwado, baariyo simaneBarbaar kaliya xoog jira cadligu, waa ku bururaayeSurmaseegto baal kaga dhacday, biri finiintaayeBownahaa tumaayaa dubaha, waa u banbaanshaayeHadal boqonka kama maarmo iyo, beyd gunaanada eBishmo Eebe kuu tolay xaqaa, lagu balaadhshaayeGuddigani badheedhiyo taluu, soo bandhigayaayeBasar iyo wanaag taa Sweden, yaa bulsho u rooneDenmark waa bara nimciyo, baladka NorwayeBahdaase deganoo aan ku dhaqan, booli iyo qaadeHabka loo barbaarshay garteen, baydi nololeedeWaa waxa badhaahdhiyo ka dhigay, baarax nabadeedeBudulkooda aan raacno oo, beegno marinkoodaWaxaa istaagtay ri’ la yidhaahdo Gaylama Indha-Cas…Eeg bogga IVaadF.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa

Shirweynihii Xoolaha (III)
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment