Press "Enter" to skip to content

Shirweynihii Xoolaha (II)

  • Xayaatadiyo nuurkiyo hawadan nalagu xaydaamay

  • Xaaliga biyood iyo cuntadaan ruuxna ka xoroobin

  • Xaydaanka loo soo hoydiyo xaasil nabad kuu ah

  • Xurmo darisku uu kuu hayoo lagu xushmaynaayo

  • Xagla dabacsigiyo dheesha iyo gole ku xaashxaashka

  • Xubbigiyo hilowgiyo niyada cid uga xiisoodka

  • Naf waliba xaq waw leedahee maad xushbadisaane

  • Mindi xiimaysaad nagu jartaan xawl mariidyada e

  • Shan baan xalayto dad u loogay baad ku xaragootaane

  • Intaad waxar xidhaan baad dhantaan xoorka hooyadiise

  • Shiniduna xalwaday kaydsataad duhur ka xoogtaane

  • Ludda iyo laftaad ka xuntihiin ubadka Xaawooye

  • Madigii xaftii iyo xigtii iyo doobi ku xarraantay

  • Markay xayn idiin kariso iyo xaasa iyo maato

  • Xagaagay gudhaa baad qashaan kama xishootaane

  • Xadka damaca binu-aadamuhu waa xabaalaha e

  • Idinkaa dhulkii xaalufshayo xaaqay kaymihiiye

  • Ma xajkii markuu gbay caleen yuu xayuubsadaye??

Asgarigu hadalkaa kama garaabinee intuu lug iyo gacan taagay ayuu orgigii Hiiraan qaydin la dhacay geesna ka jabiyey. Orgigii Hiiraan oo dhiig ka da’ayo ayaa waxaa la hadlay orgi Adhi-Carbeed ah oo Reer Xamar Weyne ah oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray. Wuxuu yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi-Carbeedka ahaa:In kastoo xujada oo cad iyo xaajo togan sheegtoHaddii aadan xantoobinoo amaan xaynka uga buuxinDoodaba ul buu ku xidhayaa xoog ninkii lihiyeDhaqsuu uga xanaaqaa gujada xaakim taliyaayeHaddii aadan xadhigii Ilaah kiisa uga xeebanXikmaddaan dhankisa u qulqulin wuu ka xadantooneXoodaamo lagu maalyey tod xoora doobiga eGogaa loo xoqaa toojadoo lagu xadaa weeleDadkuna xoolo kama ay fogee ways xunbulayaaneXaqiiqada ku hadalkeedu waa badawda xaalkeedeXagayaga anagu been maldahan yaanu xaradhnaayeXaaraanta yaa la huwiyaa midab xalaaleedeXirib leexsan baad heli kartiyo sir iyo xeegaaneXabsi nagama furan jaa’ifana gees dhan lagu xaadhyeKa xaaxaabi waxa kaa tif lihi waa xinjiro dhiigeOrgigii Hiiraan ayaa u jawaabay oo ku yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi Carbeedka ahaa:Teer iyo xilligii aadamee la xuso taariikhdaAdduunyadu xaraabay ahayd xawda la is jaro eXasad iyo dhacbaa yiilay iyo xiisad iyo maageXaqa iyo sharcigu waa wixii xoogu kuu taro eHubkaagoo xanuun lihiyo nimaan xanafi kaa reebinXaamiinta kuma joogsadiyo qawl xadiis yidhiyeDadku xaajo saahid ah warkii may xutubiyaaneXiska uma dajaan waanadii aw xabeebsadayeXabaddiyowaxaa gala warmuhu xarafkay yeedhshaaneHaddii aadan sidaydaa xadgudub uga xajiimooninHaddii aadan xadhaadh iyo marayn xolodyo qiiqaayaFulow xabadka daadihi waqaa hoos ayaad xigiyeArintii oo halkaa maraysa ayaa xeradii waxaa soo duleed maray nin la yidhaahdo Maxamed Diiriye Hiraabe oo ka mid ah ragga Muqdisho ugu xoogga weyn, ugu muruqyada waa weyn, ee ugu laxaadka balaadhan, ahna nin markiisii hore kusoo koray oo kusoo barbaaray gobolka Mudug. Intuu kusoo leexday xeradii oo albaabkii weynaa gilgilay ayuu wuxuu damcay intuu albaabka xoog ku jabiyo inuu xoolaha xerada ka fasaxo iska sii daayo. Wuxuu yidhi waa maxay xoolaha kan bacadka iyo cirriida ku lee’day, miyaanay rag iyo Muslim lahayn. Ninkii xerada lagu aaminay ee mas’uulka ka ahaa oo la yidhaahdo Macow Muunye Macallow ayaa Hiraabe la hadlay oo ku yidhi:Ma aha xoogu saad mooday iyo muruqyo waa weyneMacnayaal ka culus baa la dagay waadse moog tahayeRag badani margoogiyo qanjaha meel ku tagi waayeMudug faaladaad la timidiyo maluhu waa beeneMuran iyo waxaad la ordaysaa maan harraad gubayeWax mariiqa kaa soloy dabkii milicda weeyaaneMaqiiqnaanta sida yeyda howd moodyey aadmiguyeWaa heer dugaagnimo ka mid ah oo la soo marayeHabka madaninimadaa la dagay oo ka mudan kaaseMagaaladu sharcay leedihiyo maadayaal qoraneMazda iyo Fiat iyo waxaa lalaya MaarsheedisQorshaa loo maraayee wadadu way murgi lahaydeAdna way mutuxaysaa siddii dogobka maygaageHab-maamuuska maankiyo indhaha yaad ka mudaysaayeAdigoo maluug laacayaa maankii kaa dhacayeQawaaniin haddaan miigan oon moosa lagu dayrinXamar-Weyne waad madhin lahayd maalin galinkeedeMuqdishaba magaa baad ka dhigan maraq sidiidiiyeMArgan maysid buuriyo adoo liqay masaamiireMalmalaando kaagama duwana maacii dhagaxeedeAwrkii cirkee niman milgaad meeyay leedahayeMaqaadiir bulxamaysaad tihiyo, sahankii ma’juudeMeeshaad istaagtaba habaas yaad, melmelaysaayeMasjidkuna amaan kaama helo maalin RabdaaneMushtakay naftaadiyo huguba, kaa mudacayaaneMoogaabad timidee xerada,hayska maamulan eAnigaa tan maareeya ee, meheradaa raadsoArintaa Hiraabe wuxuu u qaatay Macow Muunye Macllow inuusan shaqsi ahaan hadalkaa isaga ula jeedinee, uu Reer Mudug ahaan u maagayo oo uu eeda u jeedinayo dabeecadda Reer Mudug oo dhan. Markaa isaguna taa mid ka dhigan oo uu Gibil Cad oo dhan u jeedinayo iyo ninkii diir guduudan oo dhan ayuu ugu jawaabay oo wuxuu yidhi:Mindi xaasidnimo oo guntiga, meel ah lagu haystoMiskiin iyo qofkii tabar yaroo, la makalo seeddaMaal iyo ciddii darajo loo, loo masaxo jaantaMurti oday leh madax caadiliyo, mudane waayeel ahDugsi macallin ‘Miinsaad’ ardada ugu madiixaayaMarwo daris ah gabadh aad mulaax, moodo edebteedaMaansooyin heesaa tirshoo, golaha maaweeshaMufti caalim sheekh madad lehiyo, wali maqaan gaadhayIntaas oo midnaba milgiyo, muxubo loo hayninManafacaaga oo kaliya oo, laga muraad yeeshoQof miciin kusoo biday inaan, midigta loo taaginMarti lagaga seexdiyo guryaha, maganta loo diidoSako maanac suus iyo madaal, lagu masuugaayoMadal laga gabado oo wajiga, moqolas loo leexshoXanta oo masruuf laga dhigtiyo malab la leefaayoCarabkoo macaan oyo qalbigoo, milil higoonaayaMuslim layska dhigo daahirkiyo, muumino soocaMasas uurka daqiyo niyada, malawyo kuu jiifaMasalooyinkaan tiriyey een, miinka ka higaadshayMagaanyahow hidday kuu yihiin, minanka kuu yaaleLiisha maydhaxda Adaahilaan, kugu masaalaaye??Muska guriga kugu dhaw adaa, mira habaynkiiyeMidaan kaa filayn iyo adaa gaada, kii maqaneRuuxaad is mudateen samiyo, macaaruf kaa waayeWaryaa Macow madow iyo boggaad, maar ku leedahayeMawlaha ciddii ka hesha kheyr, yaad ka murugooneIn munaafaq aad tahay ayaan, marag u haystaayeIyadoo miska diirantoo, mud iyo naas beeshayIyadoo dushiyo maydhaqyada, maali kaga taaloMuqdishadaba anigaa ka dhigay, madida toolmooneAnigaa ku meershayoo sharcga, moosay deyrka aheAnigaa miscilisheeda kore, mariyey ood dheereMudan lama ordaaye ee, gadhwade maahiraan ahayeTaariikhda maan gudhanayahow, wayska moogtahayeMansab kuutinaysaa tihiyo, miciyo dhaadheereMeeshaad istaagtaba waxaad, miiqaysaa dabineMar unbaa milaad cadho kusoo, milicsan doonaayeMargiyada siloon iyo lafaha yaan, madh kuu qabaneMaatada jaq teer iyo Rajalo, kaa mashquulsaniyeNinkii Macow Muunye Macalow ayaa ku noqday hadalkii oo jawaabtan bixiyey. Wuxuu yidhi:Masartii Faraacinada ee reebtay, mahadhooyinGiriigii muftaaxyada caqliga, Maalig solansiiyeyRome tii majara dawladeed, noqotay maahmaahdaMahwigaa ah Chine iyo Hindiga, kuman macbuud yeeshayDegallada muluuktii Ciraaq, Mawsil iyo BaabilBadda Midhantareeniga kuwii, mawjadaha leylyeyMuqdishiyo Baraawiyo Markadii, waayo midabaysayMareeg iyo Warsheekh iyo Hobyiyo, muhimka BaargaalaXidi maalka mukulaad u kici, miaraya laabtiisa??Makhaayada Laas Qoray kuwaa, muhindisoonaayaMaraakiibta Norway kuwaa, malaha dhaafsiiyaIntii Maydh kulaalaysa iyo, maakhir iyo SaylacMalka Herer Misrada Bay ku taal, moosinka Af-GooyeMagaalnimo gabowdayba dadkii, murudahay reebtayWaa wada munaafaqee, maxaad aniga ii maagi?Miisaan dantii loo hagaa, way mudh baxaysaayeIsmalaa kadeed baa jigraar, lagaga maarmaayeMiyirkiyo hubsiimada miyaad, magane haaraamiCabdi Naasir maantii Caqaba, madal huf waagiiyeHitler Moosko goortuu damcuu, miino tiigsadayeMiyaad laga macaashaa durduro, saw murkucan maysidHiraabe oo aad uga xumaaday soo qaadka raggaas iyo habka Macow usoo qaaday isagoo isagu habka nimankaas u yaqaana habka ragganimada iyo geesinimada iyo meelmarka, diidanna habka Macow isku ammaanayo oo ah qunyar socodnimada iyo is dhawrka. Intuu cadho is la dhuftay Hiraabe oo is maroojiyey oo dhaqaaqay ayuu Macow hadalkan dib ugu soo tuuray. Wuxuu yidhi:Geesigii magligu heero baa, eed la mariyaayeMuudalkii wakhtiga haysta, yaa loo mashxaradaayeRunta lama maroojo ee ka tagay, waxaad magoogaysidWuu iska dhaqaaqay isagoo diidan Macow muran dambe inuu dhexmaro, isagoo madaxa sii gilgilaya ayuu dhaqaaqay.Orgigii Hiiraan ayaa xoolihii kale shir u qabtay oo usoo jeediyay inay dawlad samaystaan iyo maamul si ay danahooda uaga faramaroojistaan Banu-Aadamka madaxbanaanina ay u gaadhaan. Wuxuu yidhi oo shirkii uga soo jeediyey xoolihii:Macow iyo Hiraabaha is nacay, ha u maqsuudina eMabda’ lama cunee waxaa qarsoon, sir ay maleegeeneMaqaarkeena yaa laysku dili, way maldahayaaneMaaniyo bariba noole ways, wada malgaayaayeMuriqiyo adduunyada sharcigu, micida weeyaaneMalaygaba malaygaa u cunta ah, moolka gudihiisaMilaygii la uumay iyo haddeer, ways marginayeeneMohasho isku diraysaa dabciga, loogu soo milayeHubkana qaarba doociyo minjaha, meedin loogaliye??Malaayiin asbaabood ayaa, mawd u dilayaayeMuga aradka yey dhaafin baa,maadh u dumayaayeWaxa maylimada loogu tumay, haysku madhiyeeneMooradu ma qaadeen haddan, meersin jananayneWaxaa maqalno sheekooyin, waa loolan midhihiiseXataa muusikuna waa dagaal, hab ay mastuureeneHadba goobta qaar baa mulkiya, xoog musaacido eDanbay ugu midiidini nafluhu, kii muquunsada eOo ay muhiibsiin sadkiyo magacyo waaweyneMur khadhaadh ah bay noqon, ciddaan laga maagayneMayal laysu geeyiyo ciddaan, muujin cududeedaMintid soo haliiliyo dugaag, yaa ku mayracaneMinsilaado cadowgaa haddaan, meeris kuu tolo eWaa la maakubtaa qolo ku dheer, muuno iyo qaabeMadax talisa aan dooraniyo, maamul iyo dawladXoolihii arintaa waa u wada guuxeen. Hal baa booday oo waxay tidhi:War muwaafaquu soo bandhigay, geeso maydhane eCilmigii ku duugnaa Maxaas, godolladii maalyeMamac iyo wuxuu daaqi jiray, keyn madheedh badaneInagoo gobbaa maydhax lehee, wada maqaawiir ahInagoon mijilo cawska iyo, murursi doonayninInagoo ma gaydo ah dhamaan, murashax yaw taaganDameerkii caanka ahaa ayaa booday oo yidhi anaa u taaganee oo murashax ahee ha la ii doorto madaxnimada Dawaladda Xoolaha: Wuxuu yidhi:Qashinkay cunaan baad waqiin, nagu canaadaaneGolihii cuddoon iyo rugtaa, nagala caydhshaayeWaxaad nagu cisaarteen gar aan, caalin la hor gayneCiil laba kun oo sano jiraa, coobadda u tubaneIgu ciririq weeyaane warkuba, caws sidaan liqayeCimilada i hurudaa bishimuhu, ila cabeebeeneNaf cadaadis daashaday mar baa, caajis koroyaayeCashigii na riiqaanu nahay, wada cayuunkaaseWaadna na candadawsheen idaad, noo casilayseenaCagta waligay aan kugu hayana, caalamkuba diidyeCuur wada dagani waa inay, nabad ku ceesaaneIs caaqibayntii dulmiga, yaan codsanaynaayeDameer curad ah baan ahay, waxbaa la citibaarshaayeCadowgana anaa u gu badshiyo, camal falaadkiiseI caleemo saaro aniga, calanka ii dhiibtaFaras ku jiray xerada ayaa is hortaagay. Wuxuu yidhi dameerku waa ciil ku nool, ciil mu noolna madax lagama dhigto oo cadli lagama helo. Waqtigiisa wuxuu ku dhamaynayaa aargudasho iyo eedo dib u raac. Wuxu yidhi:Cadli lagama helo ruuc hadduu, ciil gunaad qabo eCawo nool wuxuu hibanayaa, caad wixii dhacayeCiddiduu qaniiino fartuu, cuni habaynkiiyeCilinkiisa lagama saaro iyo, caynk auu rabo eWaxbuu cululubtaa goor walboo, way cubudhiyaayeMa cadeeyo dawgoo gartana, wuu cuyubayaayeYaan cuurna rayraynin buu, ceel u qodayaayeCaawimo ma gaystoo waqii, wuu colaatamiyeCirku inuusan di’in buu rajayn, cawsna soo bixineCilladay dameeruhu qabaan, caafimaad ma leheCaymo lagama helayoo naftaa, caabuq kaga yaaleCidhiidhay adduunyada ku galin, nimay ku ciiraaneCeesaamihiyo qaalmahaa, cuun lasoo tubuyeCisalkay ku aargudanayaan, cawro waa iyaga eCilmigay kusoo koobayaan, caadh la looshado eCir-Guduud walbaba naylahay, cuganayaan qaareWaxaan cararin murugaa ku dili, caacda waylaha eDuqihiina ma cisaynayaan, caan ahaan jirayeWay caarcaarinaayaan hiddaha, ooy calwinayaaneCalcalyada xareedda ah ayey, ciid ku darayaaneCaraq bay niyeerada ka dhigi, uunku ka cabbaaneCasar baa lasoo shirinayaa, cuudka oo idileCodka qaylka wada yeesha, baa loo carbinayaayeBar callaamadaa lagaga dhigi, cududda hoosteedeHab cusayb ah yaa lagu dirqiyi, caana-nuugyada eIdinkoo cankiyo booca iyo, cunaha soo dhiibshayHooyadaa kasoo gala cidhbaha, yey calimayaaneCiddaan midabka bey noqon, ul baa loo camirayaayeCaddaankiyo waxaa mudan ciqaab, cawlkii liidyo leheWaxaa loo cuskanayaa dunuub aan, cafis lahayneMaxaad calas u noqotaa fardaha, loo cadibayaayeLo’da dhiincaskiyo boodhku, way calaf dhadhaayaaneRidii caar leh coomaadahaa, lagu cashaysiineGeela dabada celi baa la odhan, caada lulidaaseCaleen laalka iyo doobta iyo, caasha kor u taaguCalaamooyin kibir weeye, baa loo cabirayaayeMagacyada Asliyo Ceebla iyo, Caagan way tiriyeCarwo iyo Koraaad iyo Gobaad, way ka cadanyooneCanbar iyo Hiddiyo Saafi, way ka cartamaayaaneHoror wada camaajiir leh bay, ciidansanayaaneCalagyaa na wada diiran iyo, coon hiraanhiriyeCunsuryaha haraaryoonayaan, ka cajabaynaayeCayayaaan ayaa inagu degi, caaryaloo badaneCamadh iyo kudkude looliman, yeyna caga goyneCadho golas ah iyo yeynu noqon, dulub la’ caal waayeCaleeg qaadi maynoo balaa, caynta noo galiyeKuwa aan ka cararayno baan, ciirsi soo bidiyeDameerkaa canbaarta leh, waryaan calanka loo dhiibinDameeraha fardaha iyo baqluhu xagga abuurta iyo aragga waa kuwa qaraabada ah oo ilma-adeerta ah, Dameerkii baa isagoo ka xun is hortaaga farasku ku sameeyay, wuxuu yidhi:Nin qaraabadii casiyoo gole, ku ceebeeyayCuqubaa u dihin oo nabsaa, ceejo soo ridiyeIsagoo intu cilil ku dumay, caato ah buu imaneCashadaa ayuu qiran wuxuu, caamo ka ahaayeCaqli-yare hadhkiisuu u bogaa, ways cajabiyaayeDanbaad ugu calool fuuriyee, calalsho jiidhkaygaFaraskii ayaa intuu qoorta iyo qanaanta taagay oo dameerkii il-qoodhka ka eegay, wuxuu yidhi:Cuqdad iyi wixii tuhumad qaba, looma caal helo eIn colaatan loo wada hayoo, ku cindiyoodaayeCiyoon buu dudaayoo dhaqasaba, waa wax cadho dhaweIyadoon ciddiba daarinbuu, ciq iska siiyaayeCudurkaaga raagaa qalbiga, caalidh kugu reebyeMuxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyaayeFaraskii laftiisii ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii Dawladda Xoolaha. Wuxuu yidhi:Dawliil fandheer iyo hanaan, fiican baan ahayeSida faraqa Yucubkee lushiyo, fay baxaan ahayeFoolaad adduunyiyo, jinkaa foodda laan ahayeFirfircoonidaydana dabayl, foos ah la i moodyeFidhadiyo daryaankayga yey, fiintu ka cidaayeGurdankayga fule baydada ah, ii fadhiyi waayeGoob fariido lagu laayey baan, foore kiciyaayeMeel qanaanta aan foorarshuu, foogan yahay baaseMarka baladu ay ila faqdaan, fiidkii dananaayeWaxaan qoob u feydaa diyaar, feejig baan ahayeSida Farowga waxa aan qabtaa, gaadh dareen fududeWaxa fiiqay dhagahayga, waa dhilladaan filiyeFatuuradii shalay weeye iyo, faanjan iyo MiigeTaariikhdii faaftaba anaa, furay albaabkeedeTeeriyo filkii dunida yaan, falag u yeelaaye??Waxba yaanan fogaaninoo ku tagin, faaladaa badaneMarkaan dib isu fiirshaba qalbigu, way fatahayaayeTaladiina waan ku fillahee, faraha ii saaraF.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaaEeg bogga IIIaad

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r