Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta soo xirey shirkii afaraad ee isku-duwidda howlaha caafimaadka Soomaaliya, kaas oo laba maalmood ka socday magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa kasoo qeyb galey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, wakiillo ka socday wasaaradaha caafimaadka ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera qaybta caafimaadka Soomaaliya.
Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay horumarinta qorshaha caafimaadka qaranka, dib u eegista mashaariicda socda iyo sidii loo kordhin lahaa wada-shaqeynta iyo isku-xirka hay’adaha kala duwan ee caafimaadka. Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino dhameystiran oo ku saabsan waxqabadka la gaaray iyo caqabadaha jira, iyadoo diiradda la saaray sidii bulshada Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg caafimaad tayo leh, isku mid ah, loona gaari karo dhammaan gobollada dalka.
Wasiirka caafimaadka oo soo xiray shirka ayaa sheegay in natiijooyinka iyo qodobada ka soo baxay kulanka ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, isagoo xusay in Wasaaradda iyo saaxiibada taageera ay ka go’an tahay in loo horseedo shacabka Soomaaliyeed adeeg caafimaad oo waxtar leh, casri ah, isla markaana lagu gaari karo himilooyinka caafimaad ee qaranka.
Wasiirku wuxuu kaloo ku booriyey dhammaan ka qaybgalayaasha in ay sii wadaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha caafimaadku noqdaan kuwo miro-dhal ah oo wax badan ka beddela nolosha dadka Soomaaliyeed.



Be First to Comment