-
Jiilaal durraaqsaday wuxuu, nagu dangiigaaba
-
Dabeyluhu waxay nala dhacaan, daafad iyo qiiqba
-
Kol uun baa darxumadii la qabay, layska damiyaaye
-
Shinbirkaa durduursiya markuu, doogsi naawaliye
-
Cir diraaci soo daaran tahay, waa dugsiin jiraye
-
Dayaxiyo shamsada oo kulmoo, daaqad wada jooga
-
Deegaantu labadaa markay, diilimada saarto
-
Ebidkeed diraacduu hongaa, daafku dhiigluhuye
-
Durgufkiyo caddaadkii miyaa, nagu dul heehaabtay
-
Diridhabatay maantana, waxay di’ise mooyeene
-
Soo durugtay maandeeq, sidii deeqdi karameede
-
Iyadoo sumado deel ah iyo, diintii Nabigii leh
-
Duleedkay ka reentaa hashii, loo duceyn jirey
-
Rabbi waxaan durraansaday, inaan laban ka duugnaaye
-
Naga dabacsan lawyada wixii, naga duubnaaye
-
Dahaadhkii indhaha noogu jirey, nalaga sii daaye
-
Dib Allow ha noo celin adaan, kugu dacwoonaaye
-
Dal nimaan lahayniba, wuxuu dageye xaaraane
-
Doolqaad ilbaxay jeer danbuu, kugu dul maydhaaye
-
Daakhliga waa laga shaqayn, deyrtan maanta ahe
-
Ha lays wada` dugsado waa intaan, daamurka u qoyne
-
Dabku ku dacalle doodnaar cayilay, dabata qawlaysan
-
Dul abaarre deyntiyio ku nool, duudsigiyo ceebta
-
Duqduu dhalyey way nagu jirtaa, duud abeesluhuye
-
Idinkaa da’baas yahay kufriga, iiga sii daran
-
Hadba nimaanu daaraan nahaye, ima daqiiqene
-
Cadaawaha na darandooriyaad, daawo dhigateene
-
Allahaydin doorshee sharcigaad, meyl ka durugteene
-
Dawan baa iblays uga tumaa, meel dushoode ahe
-
Dalka hooyo waydan lahayn, dibaad u joogtaane
-
Dangayahaw haddaydaan ahayn, dir isla ceeboobey
-
Daa’imanba gaalada maxaa, idin dul gawriirshay
-
Digaday Sagaaradu dhigtay, dad istiraahdaaye
-
Darkaan xidhaba waa maalintay, dooxi jireyeene
-
Halkay doqontu awrka u wadaan, doo’da ka hayaaye
-
Nin xabaalo duugaan ahiyo, duulal baa bayey
-
Isku dagannay Soomaaliyey, daawashada guude
-
Hadba kii dajida soo cabbaa, haygu doob-dhabo e
-
Duufaanka soo kacay haddaan, laga digtoonaanin
-
Daafucul balaayaha haddii, loo degdegi waayo
-
Dal kaloo la aadaba haddaan, keena laga doolin
-
Danbaa tidhi haddaan looga tagin, daaqatiyo faafan
-
Meejiyo Denaakilo haddaan, caydh la dalandoolin
-
Hadday daasaskaa wada camir, duni ka laadlaado
-
Dergad haawan mooyeen haddaan, daaqad laga waayin
-
Haddii anu waraabuhu dibbirin, dubur ku gaajoodey
-
Dadkan diika-diikoon haddayn, dooxatadu leefin
-
Dab nin haysta mooyee hadday, dacawo noolaato
Be First to Comment