Press "Enter" to skip to content

Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah

Zohran Mamdani oo ah nin muslim ah ayaa ku guuleystay doorashadii duqa magaalada New York , isagoo ka adkaaday Andrew Cuomo sida laga soo xigtay saadaasha wakaaladda wararka ee Associated Press.

Mamdani oo ah dimuqraadi ayaa noqon doona qofkii ugu horeeyay oo muslim ah oo ku guuleystay duqa magaalada New York,isagoo soo jiitay codbixiyeyaal doonaayey qorshaha daryeelka carruurta oo bilaash ah, gaadiid basaska oo bilaash ah iyo qaadidda xayiraadda kirada oo saameysay qiyaastii hal milyan oo reer New York ah.

Musharixiinta Dimuqraadiga ayaa sidoo kale guulo ka gaaray tartamo kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan tartanka guddoomiyenimada ee New Jersey iyo Virginia.

Dhanka kale, codbixiyayaasha California ayaa  qorsheeyay khariidad cusub oo dhanka kongareeska ah,kuwaas oo laga yaabo in shan kursi oo Aqalka Hoose ah oo ay Jamhuurigu  heystaan in ay u gacan gelin karaan ama u rogi karaan ​​​​ xisbiga Dimuqraadiga doorashooyinka dhexe ee soo socda 2026.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r