Qaar kamid ah degmooyinka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa waxaa maanta ka qabsoomay kulamo looga soo horjeedo faragelinta DFS iyo go’aamo ka soo baxay isimada dhaqanka ee labada gobol.
Kulan ka dhacay degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu siweyn ugu taageereen go’aankii Isimada Sanaag iyo Haylaan ku caddeeyeen inaysan qayb ka ahayn shirka SSC KHATUMO ayna kamid yihiin Puntland.
Ka qaybgalayaasha shirku waxay shegeen inay soo dhaweynayaan dhismaha SSC KHATUMO haseyeeshee ay tahay wax laga xumaado in hoggaanka maamulkaasi ku kaco kala fogayn bulsho iyo inuu taladii gacanta ugeliyey DFS.

Dhanka kalena, maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Buraan ayaa kulan ay isugu yimaadeen ku dhaleeceeyey faragelinta DFS iyagoo sheegay inay dhiig iyo dhaqaaleba geliyeen SSC KHATUMO, haseyeeshee aysan ka sugayn in loo adeegsado carqaladaynta ammaanka goboladaasi iyo guud ahaan Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay reer Buraan ayaa looga digey DFS inay sii waddo carqaladaynta ammaanka gobolada Sanaag iyo Haylaan oo ay mawqifkooda caddeeyeen isamada gobolka kana mid ah dhulka iyo bulsahda Puntland.
Xigasho: Horseedmedia
Be First to Comment