Press "Enter" to skip to content

Shacabka Deegaannada Sabiib iyo Caanoole oo Gargaar Bini-aadanimo la gaarsiiyay

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta howlo shaqo ku tagay deegaanada Sabiid iyo Caanoole si ay ugu kuurgalaan xaaladda bini’aadantinimo ee dadka deegaanka, kuwaas oo ay argagixisadu u geysatay dhibaatooyin fara badan.

Intii lagu guda jiray kormeerka, shacabka ku nool deegaanada laga xoreeyay argagixisada waxaa la gaarsiiyay gargaar bini’aadantinimo oo ka kooban cuntooyin iyo dawooyin, waxaana ka faa’iideystay in ka badan 240 qoys oo si xooggan ay u saameeyeen falalkii arxan-darrada ahaa ee ay argagixisadu ka geystay Sabiid iyo Caanoole.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in dadaallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo baahiyaha degdegga ah ee ka jira deegaanada laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Gargaarkan ayaa waxaa qaybiyay Hoggaanka Isku-xirka Shacabka & Ciidanka XDS (CIMIC), waana qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu taageerayo bulshada ay argagixisadu dhibaateysay, si loo xoojiyo kalsoonida iyo wada-shaqaynta shacabka iyo Ciidanka Qalabka Sida.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r