Ceelbuur — Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay dhalinyaro deegaanka ah oo is-abaabulay xalay ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, khasaare loogu geystay kooxda Al-Shabaab.
Sida saraakiisha dowladda ay VOA-da u sheegeen, howlgalkaan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu Ceelbuur ka degganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada” ama booliska, oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa dhacdadan goor dhow ka wareystay Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale.
Comments are closed.