Press "Enter" to skip to content

Saraakiil ka socotay ciidamada Masar oo laga sagootiyay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku joogay Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sahal Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in booqashadan ay muujineyso xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Wuxuu u mahadceliyay saraakiisha iyo dhammaan hay’adaha dowladda ee ku hawlanaa soo dhoweynta iyo fududeynta howlaha wafdiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo iskaashiga ay muujiyeen.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r