Press "Enter" to skip to content

Saraakiil Booliis oo tababar muhiim ah loo xiray

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil Dalacaad loo sameeyey usoo xiray Tababar aqoon kororsi oo la xiriira Shuruucda iyo Nidaamka maamulka.

Xarunta Akadeemiyadda Ciidanka Booliiska ayaa laga dhaqangeliyey isbadal lagu sameeyey dhinaca Waxbarista Ciidanka oo hadda ay Saraakiishani bar bilow u noqdeen, in Saraakiisha dalacda lagu siiyo Tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo si looga dhabeeyo wax ka badalka lagu sameeyo Hab dhaqanka iyo Aqoonta Ciidanka Boliiska .

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r