Gabaygii Salaan Carrabeey ee Guba 2
- Haadaaqsi gabay waaya dheer haansa ma lahayne
- Hiirtaanyo godobtaan ku nacay hibashadiisiiye
- Hawaala warran mooyee si kale wawga haayiraye
- Goortaan hammiga gaabsadaa layla hiishadaye
- Hadba nin igu haansaday anow hela jawaabtiise
- Dhaaxaan mid hanaqaad is biday so hoggaan baraye
- Tixdaan hiddiyo haaneedsigaan hoodo ku lahaaye
- Hal abuurka layguma hiigsado soo hadaaf baxay
- Hooyaalayntaan kaga badshaa haybad iyo luuqe
- Haasaasahaa laga gartaa hagar la’aaneede
- Mar haddaan hullaabta iska rogo soo hankaabsadaye
- An hawadiyo hoosada Burciyo Herer ka geeyeene
- Kuma hiilo heeliga fulaa la handabeeyaaye
- Anse waxaan haagaag uga marshaa heel la ii wacaye
- Inaan oday hangaafa ah noqdiyo haydhaf la i moodye
- Hig ma siiyey hawraarta way kala halleeyaane
- Heeraabta ma u dhigay intaan heesna daba joojey
- Maansaba hogbay leedahee meel ma ka habawshey
- Afartaa intaan ha’da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
- Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baanay
- Halaq didaya waw halis nimuu boqon haleelaaye
- Waabeeyo lama hoorsan karo huurtayoo kariye
- Wiyil lama hunjaalliyo adoon hootana u sidane
- Laga haarri hooriga libaax soo hamaansadaye
- Nimanbaa maroodiga hunduda haamahuu sida e
- Hayinnimo markii lagu arkay haragga saareene
- Hoobaaq mid waw qodi jirey heegadiyo roobka
- Baddoo huguntay hoorriga sabaac ee lagu halaagmaayo
- Bal maan hakiyo hir u laacaybaan ku hafin doonaaye
- Caloow laguma helo geel sidaad u handanaysaane
- Qabiila hindiyi maalinbay ka hinjisaa duule
- Idinka hoostay meel uun haddaa hollin lahaydeene
- Hadhuudh daatay idinkaa ka qaday haqab la’aaneede
- Damal Haajihii laga hirqaday ways hunda ogeyne
- Waatii lagaa hiray adoo qaba hammuuntiiye
- Huwan maraga waatay ahayd hadhaci waabnaaye
- Hadiyad miyaw bixiseen nafta unbaa hamadiseene
- Nin sagaaro heetaynayoo haaban kari waayey
- Oo aan hunguri waa shiddee had uga yaabaynin
- Haawaydu kama maaranteen heejigaa dhalaye
- Haleelada ma daayeen nin cunay hilib ugaadheede
- Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
- Rag haddaad u haysiyo barbaar halabsatoo fuusha
- Mar unbaad u heensayn lahayd hawl yaraan subaxe
- Heegaale kama qayliseen hoga kaliileede
- Goortaan hadhkaba kaa eryaad hawd u cararteene
- Waa kaa hubkii sida raggii wada hareednaaye
- Habarwaana waa kaa hingilan labadii haamoode
- Shirsooruhuba hoy maleh kuwaad hilib wadaagtaane
- Waa kaa hayaankii ku dhacay Hobyo iyo xeebe
- Ararsame ma haybsado nugaal hogashadii ceele
- Hanas iyo abaar kulul adoo habaqle soo guurey
- Caynaba hadhuub kama dartaan hoga kaliileede
- Ka hulleele Hagar Aadankii hoobalayn jiraye
- Adunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
- Afartaa ha’da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
- Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baanay
- Habar Yoonis waataa hantiday haradii Ciideede
- Iminkay Hundiyo reer fureen harawidii Faafe
- Intay hootadii garab dhigeen himidhna loo geeye
- Ku hinjiye colkay humin jireen Caliyo Haaruune
- Wax Ammaadin webigaw hardiyey harabku waa khoofe
- Huurkii shabeelluu galee hure banaaankiiye
- Huubhuubsigii lagu idlee horintii Jeeraare
- Nimankii hawada weyn lahaa haatan lagu leefye
- Ka hidiidnay hodankii barqiyo hibadii Ceel Fuude
- Hayruufka Dalal bowga dhiman hegerbi Daaroode
- Maantana hablaha loo dhisay ku hamranaayaane
- Haydaaro cadaw looma turo heermay boqontiiye
- Ma hanbayne dunidii hantiye tan iyo Hiiraane
- Adunbaa hinaasiyo u jilan haawis iyo ceebe
- Haadaa qabiiliga Isaaq hibo Ilaah siiye
- Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye
- Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye
- Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede
- Waataad haween nagu xustee haad ma ku cunsiiyey
- Dabadeedna hoog iyo hungiyo ciil ma la huleeshay
- Tolkaabaa horweyn ku habbanoo haanka loo tolaye
- Waataa hareertaada Bari looga hoy dhigaye
- Wax hortiina lagu maalayaa kii Hagoogane’e
- Humbanidan Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid
- Habqankii firxaday Gorod Xirsaa caydh hadaadumaye
- Iyagaa hiraabtiyo kallaha hiirta waaberiye
- Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey
- Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanajabaysaaye?
- Afartaa ha’da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
- Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baanay
- Inkastoo habkay gobi lahayd hadiyad loo daadsho
- Huunbaaqsigu uma ekeeyn Habar Majeerteene
- Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay haarihii Muduge
- Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida doqoneede
- Hebednimada qaarkeed aday kuu had noqotaaye
- Bal inuu hanfade waalan yahay habi la’aantiisa
- Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu humay colaadiisa?
- Ninna haybta kuma raaci karo hooyo aan dhaline
- Hogagelise cadawgaa bahdiin u handanayseene
- Iminkaad la wada huudanteen hohiyo waydiiye
- Habaarkii la hele reer Taleex hiifkii loo qabaye
- Ku habli’idin hebel toogadaad dad u heshiiseene
- Waa taa shisheeyuhu hantiyey ma hurtadiiniiye
- Nabsaa ku haya hagardaamo gacal hadimadeediiye
- Inkastuu higaad qabo haddaan anigu soo haabto
- Waxaw halisa badaw hayjad galay inuu habaabaye
- Xaajada badhbaa la hojiyaa huga la saaraaye
- Haasaawuhu uma ekeyne wuu hadadafaayaaye
- Hula xumada uunkoo hurduu col u horseedaaye
- Hoosiisku waa qaadi jirey belo hugmaysaaye
- Waa kaa hilaacii u baxay haatufka ahaaye
- Kol uunbuu hilawluhu u tumay heello iyo jiibe
- Dadka kale tashiga waa hojaa kay hadhaw noqone
- Waxaanu hubsan reer Cali Geraw haa dhawaan jiraye
- Waa wuxuu wadaadkii ku hodey Habar Saleebaane
- Ayagaa hoggaanka u ahaa hororkii waagiiye
- Halligaa markaad sheegateed hulakadaynaysey
- Waa taad Bah Geri huudiddeen hanadadoodiiye
- Kuwii Boqorka hadateediyee hiijiyaad tahay
- Haarti aa badeen baa khaligu hiifayaa weliye
- Maantana hannaankaad waddaa waa halkii abide
- Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
- Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye
- Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede
- Iska hadhaye aakhiraba waa lama huraankiiye
Be First to Comment