Press "Enter" to skip to content

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Muqdisho(SONNA):-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil in ay ku xadgudubto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa uu jeediyay intii uu socday fadhigii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo khudbaddiisa lagu caddeeyey walaaca Soomaaliya ku aaddan faragelinta Israa’iil.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ku adkeeyey in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya uu yahay tallaabo ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambayn, Safiirka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka, iyo midnimada Soomaaliya, isagoo mar kale xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u heysato beesha caalamka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r