Press "Enter" to skip to content

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Kinshasa Kongo DRC-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo ka guddoomey Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

Danjire Ilyas iyo Wasiiradda ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada mabadda gobolka, fursadaha ganacsiga, fududeynta socdaalka iyo in xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran.

Ugu danbeyn, waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirrageliyay kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada kala duwan ee ganacsiga iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r