Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego) oo Kulan mira-dhal ah la qaatay wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda ee dowladda Aljeeriya marwo Salma Bakhta Mansuuri.
Kulanka inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed, iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka geeska Afrika.
Sida oo kale, kulanka waxaa looga wadahadlay sida ay uga go’an tahay labada dal iskaashi wax-ku-ool ah, iyo in ay si buuxda uga qeyb qaadato dowlada Aljeeriya, dadaallada ay wado dowlada federaalka Soomaaliya ee ladagaalanka ururuda argagixisada.
Be First to Comment