Press "Enter" to skip to content

Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

Aljeer,SONNA-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska Qaranka Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka, gaar ahaan horumarinta awoodda booliska Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda tababarada gaarka ah, dhismaha hay’adaha booliska, iyo horumarinta hababka casriga ah ee baarista dembiyada, sida baarista faraha, DNA-da iyo goobaha dembiyada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r