Press "Enter" to skip to content

Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa hambalyo u diray kooxda kubadda cagta Dekedaha FC kadib markii ay guul taariikhi ah ka gaareen garoonka Kasarani, isla markaana ay u gudbeen wareegga xiga ee CAF Confederation Cup.

Danjire Jibriil ayaa sheegay in adkaysiga, kartida iyo aaminaadda kooxda ay sare u qaadeen sharafka iyo sumcadda Soomaaliya, isagoo xusay in marka ay wajahayaan kooxda weyn ee Zamalek ee magaalada Qaahira, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin oo ay u ducaynayaan.

Safiirku waxa kale oo uu bogaadiyey dadaalka iyo ciyaarsiinta wanaagsan ee kooxda walaalaha Suudaan ee Al-Hilal, isagoo tilmaamay in kubadda cagta Afrika aysan ku koobnayn kaliya tartan, balse ay tahay mid mideysa, ixtiraam iyo jacayl loo wada qabo ciyaarta quruxda badan.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r