Press "Enter" to skip to content

Safaaradda Soomaaliya ee Congo oo ku guuleysatay siideynta 50-muwaadin oo xirnaa

Kinshasa (SONNA): Safiirka Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo oo xabsiyo ay ku xirnaayeen ka soo daayey muwaadiniin Soomaaliyeed oo 50 qof ka badan.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ku guuleystay in xorriyadooda ay dib u helaan in ka badan 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xirnaa dalka Congo.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo yaalla qeybo badan oo kamid ah dalka Congo, oo ay kamid tahay magaalada Lubumbashi.

Dowladda Congo ayaa sii deysay muwaadiniintan, kadib dadaalo diblomaasiyadeed oo uu sameeyey safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Danjire Ilyaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in siideynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo dedejisay codsi rasmi ah oo uu saddex maalmood ka hor u gudbiyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo u fadhiya dalka Tanzania, Amb. Jean Pierra Massala.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r